Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Qarax Miino oo lala beegsaday Ciidamada xooga ee G.Hiiraan.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegay in qarax Miino lala beegsaday ciidamada xooga Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan ciidamadaan ayaa qaraxa waxaa lagula eegtay inta u dhaxeysa wadada isku xirta Magaalooyinka Beladweyne iyo Maxaas gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Gal-xamur oo qiyaastii 30 km u jirta magaalada Beladweyne.

Ugu yaraan shan Askari ayaa ku dhaawacantay Qaraxaas Miino oo lala beegsaday Ciidamada Xooga ee Gobolka Hiiraan, kuwaas oo dhaawacooda loo qaaday magaalada Beladweyne ee xarunta gobolkaas sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamadaas hogaaminayay.

Saraakiil ka tirsa ciidanka xoogga dalka ayaa xaqiijiyey in miinadan ay la kacday gaari Cabdi Bille ah oo ay la socdeen qaar ka mid ah ciidamada xooga oo howgal ka waday wada dheer ee isku xirta Magaalooyinka Beladweyne iyo Maxaas.

Dagaalamayaasha Al-shabaab oo mas`uuliyada weerarkaas sheegtay ayaa dhankooda ka hadlay khasaaraha ka dhashay weerarkaasi waxa ayna tilmaameen in Qaraxaasi Miino ay ku dileen ku dhawaad 30 Askari sidoo kalana ay ku gubeen Gaari Cabdi ah oo ay saarnaayeen Ciidamadaasi ka tirsan Dowlada oo Qaraxa lala beegsaday.

Ma jirto faah faahin intaan ka dheer oo laga bixiyey Qaraxaasi miinadan, balse ciidanka dowladda ayaa maalmaha waxay howlgall ka dhan ah Al-shabaab ka wadeen wadada dheer ee isku qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Hiiraan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.