Maamulka KG oo ka hadlay dilkii Muqdisho loogu geystay Xildhibaanad ka Barlamaanka maamulkaasi

Sida ay Sheegayaan Wararka kooxo Hubeeysan ayaa xalay Magaaladda Mudisho ku dishay Xildhibaan ka tirsan mudaneyaasha Baarlamaanka koofur Galbeed ee Soomaaliya.

Dilku waxaa uu ka dhacay Degmadda Shibis ee Gobolka Banaadir, Goob jooge yaal ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in kooxo  Bastoolado ku Hubeeysan ay Xildhibaan Ruqiyo Abshir Gabane ku Dileen Gurigeeda meel aan ka gogeen.

Kooxdii Dilka geeysatay ayaa goobta isaga cararay, waxaana jira Baaritaan ay Sameeyeen Ciidamada Amaanka Magaalada Muqdisho.

Dhanaka kale Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay dilkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho loogu guuleystay xildhibaan Ruqiyo Xasan Abshir (Gabbane) oo ka tirsaneyd Baarlamaanka Maamulka koofur galbeed ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee  Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya Ugees Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa xaqiijiyay in la dilay Xildhibaanada Ruqiyo Abshir Gabane, isagoona intaasi ku daray in  ay aad ugu xun yihiin dilka loo geystay asigaana ka tacsiyadeeyay geerida Marxuumada.

Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhacaya dilal qorsheysan oo loo geysto Dad rayid ah iyo Masuuliyin ka tirsan Dowalda Dhexe iyo kuwa Dowlad gobaleedyada ka jira dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.