Khilaafka u dhaxeeya Kheyre iyo Jawaari oo sababay dib u dhac ku yimid shirka Golaha amniga Qaranka.

Waxaa dib u dhac uu ku yimid Shirka Golaha Amniga Qaranka  ee Soomaaliya oo maanta lagu waday in ka furma magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Shirkaan ayaan la ogeen sababta uu u baaqday, laakiin wararka qaar ee soo baxaya ayaa sheegaya in uu u baaqday khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxtaagan Hay`adaha sharci fulinta iyo sharci dajinta ee Dowlada,  khilaafkaas oo cuuryaamiyay shaqooyinka Dowlada horyaalay.

Inkastoo aan wali si rasmi ah u soo bixin war ku saabsan dib u dhaca shirkan ayaa hadana waxaa jira shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Amniga Qaranka ee ka dhacay bishii February magaalada Muqdisho in lagu balamay in shirka soo socda uu ka dhaco magaalada Baydhabo, looga wada hadlo Qeybsiga kheyraadka iyo hanaanka doorasho ee uu dalka qaadanayo marka la gaaro sanadka 2020.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur galbeed Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in  Shirka amniga qaranka dib u dhacay, inkastoo faafaahin intaas dheer uusan ka bixinin.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa qoraal kooban waxa uu bartiisa Facebooka ku soo qoray waxaa uu is weydiiyay halkii uu ku dambeeyay shirka Baydhabo ee loo balansanaa maanta 28-ka bisha Maarso uu ka furmo magaalada Baydhabo.

“Waxaan horay u soo dhawaynay natiijadii kasoo baxday shirkii bishii hore horraanteedii la qabtay, kaasoo ay ka soo baxeen go’aanno wax ku ool ah, Hawlaha ku muddaysnaa taariikho cayiman ayaa sida muuqata aan wax laga qaban, Waxaa muuqata in qalalaasaha siyaasadeed ee mooshinka ka dhashay uu hawl kasta cuuryaamiyey, Dhowr jeer oo hore ayaan sheegnay in dalkaan isku tanaasul iyo isla gudoon lagu wado ee aysan jirin cid inta kale tabar dhaanta, ee Ilaaheey caqliga ha inoo soo celiyo”ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay Barta Facebook.

Dhan kale Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yarey oo ah guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka oo maanta ay aheyd in ay gudbiso nooca doorasho ee 2020-ka ka dhaceysa Soomaaliya oo ka hadashay dib u dhaca shirkaan ayaa sheegtay in aaney ogeyn sababta shirka u baaqday balse dhankeeda ay diyaar aheyd.

Sidoo kale shirka Baydhabo ka sokow waxaa jiray shir kale oo ay yeelan lahaayeen Madaxda dowlad goboleedyada ee ku bahoobay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo isna ka dhici lahaa 20-kii bishan magaalada Garowe, kaasoo isna loo aaneynayo inuu u baaqday qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay mooshinka Guddoomiye Jawaari.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.