Wasiirka Amniga Jubbaland oo gaaray Baledxaawo

Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan ayaa gaaray magaalada Baledxaawo ee gobolka Gedo.

Sababta uu u tagay Wasiirka Baledxaawo ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii xal looga gaari lahaa Muranka ka dhashay derbiga ay dowladda Kenya ay ka dhisanayso xadka Soomaaliya.

Wasiiro iyo Xildhibaano kale oo ka tirsan Jubbaland ayaa qeyb ka ah Wafdiga Wasiirka waxaana lagu waddaa in gaaraan Magaalada Mandera halkaasi oo ay ka furmi doonaan Wadahadallo.

Magaalada Mandera ayaa waxaa ku sugan Wafdi ka socda dowladda Kenya, oo halkaasi u yimid xal u helidda Muranka ka taagan Xadka.

Magaalada Baledxaawo ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka jirtay Xiisad u dhaxeysay dadka degaanka iyo dowladda Kenya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.