Soomaaliya iyo Kenya oo maanta ka wada hadlaya xiisada Beled Xaawo

Waxaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa in ay kulmaan Masuuliyiin ka tirsan Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, si ay uga wada hadlaan dhibaatada ka tgaagan Magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Idaacadda Risaala u sheegay wada hadalka maanta dhacaya in heshiis rasmi ah looga gaarayo dhibaatada ku soo laaba laabatay xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Dhinaca kale Jubbaland oo arrintan ka hadashay ayaa waxa ay sheegtay xiisada ka taagan Magaalada Beled Xaawo in ay masuul ka tahay Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Maamulkaasi Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Doowladda Soomaaliya ay ka gaabisay masuuliyadii uga aadaneyd heshiisyo iyo kulamo horey u dhaxemaray labada dal.

“Waxaan ugu baaqayaa xuduuda labada dal buuqa ka taagan in xiisadeeda la dejiyo, xalna aan raadineyno, xuduuda arrimaheeda waxaa waajib uu ka saaran yahay Dowladda, qaladaadka dhacaya waxaa masuuliyadeeda leh Dowladda Dhexe.” Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) ayaa shalay joojiyay dhismaha darbiga Kenya ay ka wado xuduuda u dhaxeysa Magaalooyinka Mandhera iyo Beled Xaawo, kadib markii khadka telefoonka ay ku wada hadleen isaga iyo Uhuru Kenyatta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.