Ciidamada Amaanka oo Maanta Xiray qaar ka mid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho

Sida ay Sheegayaan Wararka Waxaa maanta xiray Qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho, iyadoo lagu soo daadiyay ciidamo aad u fara badan, waxaana arrintan ay ka dambeysay kadib markii  xaalado amni daro oo maalmihii la soo dhaafay ku soo kordhay magaalada Caasimada ee Muqdisho.

Ciidamada Amaanka Waddooyinka ay xireen ayaa Waxaa  ka mid ah qeybo ka mid ah jidka Maka Al-Mukarama, dhanka wadada aadaTarabuunka, Isbitaalka Xoogga, iyo waddooyinka soo gala xarunta Golaha shacabka.

Goobjoogayaal ayaa  Sheegay in  Ciidamada Amaanka ay maanta aad u adkeeyay Wadooyinkaasi.

Maalmihii ugu dambeeyay Ciidamada Amaanka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay bilaabeen sidii ay u xaqiijin lahaayeen Amaanka guud ee Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho,kadib markii ay soo bateen Qaraxyada lagu soo raray gaadiidka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.