Qarax loo adeegsaday gaari oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Sidda ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya degaanka Siinka dheer Qarax Khasaare geystay oo loo adeegsaday gaari nooca raaxadda ah ayaa halkaasi ka dhacay.

Waxaa jira Khasaare dhaawac ah oo ka dhashay Qaraxaasi.

Gaariga Qarxay ayaa maraayay Waddo Qardo Jeex sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Dadka degaanka ayaa  sheegay gaarigaan dadkii watay kaliya inay ku dhaawacmeen, durbadiina Hay’addaha ammaanka ay halkaasi gaareen.

Ciidamada Nabad Suggida ee ku sugan deegaanka Siinka dheer ayaa durbadiiba ku baxay goobta, waxaana hadda halkaasi loo waday Bahda Saxaafadda.

Koontaroolka Siinka dheer ee gaadiidka ay ka soo galaan dhanka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho, ayaa aad loo adkeeyay wixii ka dambeeyay markii Muqdisho qaraxyada ay ku bateen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.