Munaasabadda Isku dhafka Baarlamaanada Galmudug iyo Ahlusunna oo ka socota Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socota munaasabad ballaaran oo ay ka qeyb galayaan Madaxda Galmudug, taasoo loogu tala galay in la isku dhafo baarlamaanada Galmudug iyo Ahlusunna.

Waxaa lagu waddaa in maanta Ahlusunna ay soo bandhigto baarlamaankii uga mid noqon lahaa Baarlamaanka Galmudug.

Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta waxaa uu la wareegi doona Xildhibaanada cusub ee kusoo biiray Baarlamaanka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa lagu waddaa in uu halkaasi ka jeediyo Khudbad uu kaga hadlaayo shaqooyinka horyaalla Baarlamaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.