AKHRISO:-Golaha Aqalka sare oo markale go`aan ka soo saaray Mooshinka ka dhanka ah G.Jawaari

aqalka sare

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa baaq iyo talooyin ka soo saaray mar kale khilaafka Golaha Shacabka ee ka dhashay mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, iyadoo loogu baaqay Xildhibaanada in ay u midoobaan gudashada waajibaadka dastuuriga ee maareynta Mooshinka.
Xubnaha Golaha Aqalka sare ayaa soo jeediyay in laga fogaado is qab qabsi iyo xasilooni dari siyaasadeed ka dhasha mooshinka.

Aqalka Sare ayaa ku taliyay waqtiyeynta aqbalaada Mooshinka Guddoomiye Jawaari laga soo bilaabo 18 bishan Maarso, taasoo mudada uu ku burayo ee 10-ka cisho ay ku egtahay 28-ka bishan.

Si kastaba ha`ahaateen Xildhibaanada Aqalka sare ayaa sheegay in 28 ka bishaan haddii lagu guuleysan waayo mooshinka ka dhanka ah Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ay u arkayaan in mooshinka buray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.