Golaha Aqalka sare oo maanta gudi u saaraya weerarkii lagu qaaday Guriga Cabdi Qeybdiid.

Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ay isugu imaanayaan waxay Gudi baara weerarkii lagu qaaday Guriga uu Muqdisho ka dagan yahay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid u saari doonaan, Gudigaas oo baaridoona sababta ka dambeysa weerarkaasi.

Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaa waxa ay sheegeen in Guddigaan ay heystaan Muddo gaaban, islamarkaana maalmo kooban ka dib ay ku dhawaaqi doonaan Natiijadda Baarista.

Senetaradda Aqalka Sare ayaa horay u ansixiyay in Guddi loo saaro Kiiskaasi , Maadaama Cabdi Qeybdiid uu sheegay in uusan ku kalsooneyn Guddi uu horay u magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Bishii December sanadkii tagay 2017 da ayey aheed markii Guriga uu Muqdisho ka dagan yahay Muqdisho Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid  ay weerar ku qaadeen Ciidamo kumaandoos ah oo ay taba bartay dowlada Imaaraadka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.