Wasiirka Maaliyadda oo amray in Canshuurta Bariga laga qaado Ganacsatada

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa maanta oo Khamiis ah booqasho kedis ah ku tagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo ay la socdeen xubno ka tirsan Garoonka Diyaaradaha iyo Wasaaradda Maaliyadda ayaa kormeer ku sameeyay qeybo badan oo ka tirsan Garoonka, wuxuuna ujeedkiisa uu ahaa howlaha Garoonka sida ay u socdaan iyo arrimaha Canshuuraha.

Dr. C/raxmaan Ducaalle Bayle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa gudaha Garoonka kula kulmay ciidanka canshuuraha iyo waaxda canshuuraha bariga, wuxuuna ku amray in ay qaadaan lacagaha Canshuuraha bariga.

“Maanta waxaan booqosho ku tegay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaan halkaa kula kulemay ciidanka canshuuraha iyo waaxda canshuuraha bariga, Waxaana waajib in la bixiyo canshuuraha, Ganacsatada iyo heydaha waa in ay bixiyaan Canshuurta ku waajib ka ah.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda oo hadal kooban ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Ugu dambeyntii Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Bayle ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ka dalbaday in ay bixiyaan lacagaha Canshuurta, si dalka wax badan oo dib u dhiskiisa ay ka mid tahay loogu qabto.

Hanaanka Maamulka Maaliyadda dalka ayaa soo hagaagaya, balse waxaa jirta isbarbar yaac ku aadan hanaanka qaadista canshuurta Gobolka Banaadir iyo mida ay qaado Wasaaradda Maaliyadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.