Beesha Caalamka oo ka jawaabtay codsi ka yimid Gudoomiye Jawaari.

Gudoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa warqad qoraal ah u diray Qaramada Midoobay, Midawga Afrika, AMISOM, Deeq bixiyayaasha caalamiga ah iyo dhamaan Safiiradda Beesha Caalamka ee Soomaliya jooga.

Qoraalkaan ayaa ujeedkiisa ahaa in Cod bixinta Mooshinka Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ay ka dhacdo Teendhaddii lagu doortay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee loo yaqaano hangarka Marina Gate ama Afisyooni.

Islamarkaana amaanka doorashadaasi gacanta ay ku qabtaan ciidamada AMISOM ee Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Codsigaan oo uu jeediyay Jawaari ayaa  Beesha caalamka ay ka aqbaleen  si loo ilaaliyo dimuqoraadiyadda hayeeshee ay u dhacdo cod bixinta xor iyo xalaal ah, islamarkaana qarsoodi ah.

Xogtaan oo aan helay ayaa looga dalbaday Ururadda bulshada rayidka ah iyo Kormeerayaasha caalamka in goobjoog ay ka ahaadaan codbixintaasi maaalinta ay dhaceyso.

Waxaa haatan la diyaarinayaa Teenadhadii lagu  doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyadoona gudoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya uu dalbaday in hangarka Marina Gate ama Afisyooni lagu qabto Cod u qaadistiisa

Balse lama ogo ilaa iyo hada meesha saxda ah ee codka lagu qaadayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.