Xildhibaan Goodax Barre oo eedeyn u jeediyay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kana mid ah Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa eedeyn u jeediyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Goodax Barre ayaa sheegay Xasan Sheekh Maxamuud inuu adeegsanayo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan raggii xildhibaanada ahaa xilligii uu Madaxweynaha ahaa.

Wuxuu sheegay iyadoo Dowladda ay horumar kala duwan gaareyso, sidoo kalena Madaxweynaha dalka uu degan yahay Wasaaradda Gaashaandhigga halkaasi oo qorshooyin kala duwan oo abaabul dagaal uu ka wado inay jiraan Xildhibaano isku dayaya xagal daacinta horumarka dowladda ay ku tilaabsatay.

“Waxaa xaqiiqa ah oo shaki aan ku jirin Xildhibaano kooban oo ka tirsan nidaamkii hore ee Damul jadiid la dhihi jiray ee damacsan Xukuumaddaan inaysan maalin horay u socon, Madaxweynahooda oo tuute gashtay oo xero u guuray in la fur furo oo la cambaareeyo oo dowladii ay shaqeyn wayso waa damiir xumo, Baarlamaanka isaga oo matalaya umadda Somaliyed waa in la dhahaa naga fariista Xildhibaanadaasi.” Ayuu yiri Goodax Barre.

Xildhibaan Goodax Barre, ayaa tilmaamay Xasan Sheekh Maxamuud inuu si joogto ah taleefoonka ugu soo diro Xildhibaanada qaska ka dhex wada Baarlamaanka Soomaaliya.

“Xasan Sheekh xalay dad ayuu soo wacaayay oo Xildhibaano ah oo taleefoonka ka soo wacaayay sidaasi yeela ayuu dhahayay, dad la hadlay ayaan la sheekeystay aniga.” Ayuu yiri Goodax Barre oo ka qayb galayay dood ka socotay Tv-ga Somali Cable

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.