Sargaal Soomaali ah oo ka tirsan Booliiska Mareykanka oo lagu eedeeyay in uu dilay Haweeney Cadaan ah.

maxamed

Muwaadin Soomaaliyeed oo haysta Dhalashada Wadanka Mareykanka kana tirsan Ciidamada Booliiska ee Magaalada Minneapolis ayaa lagu eedeeyay in uu si ula kac ah uu u dilay Justine Daimond oo ahayd haweenay u dhalatay dalka Australia.

Maxamed Nuur oo ah muwaadinka Soomaaliyeed oo dacwada lagu soo oogay ayaa la sheegay in uu dilay Haweeney Cadaan ah dilkaas oo dhacay 15-kii July sanadkii hore 2017 da.

Xeer Ilaaliyaha ayaa Maxkamada ka horjeediyay eedeymahaan, wuxaana Maxamed uu la kulmi karaa haddii Dacwadaani lagu soo oogay lagu helo, Xabsi dhan 10 sano, iyo lacag Ganaax ah oo dhan 20 kun oo Dollar.

Dhankale Cabdiwaaxid Shiiq Cusmaan Qalinle oo ah qareen ka howlgala magaalada Miniabulis ee Mareykanka ayaa waxaa uu ka hadlay sidi dacwadda loogu soo eegey Maxamed Nuur Wuxuuna tilmaamay in ay tahay mid aan sax aheyn.

Xariga loo geystay Muwaadinkaan Soomaaliyeed ee ka tirsan Ciidamada Booliska Mareykanka ayaa waxaa aad u hadal haya Soomaalida ku nool Mareykanka, iyada oo sidoo kale ay jirto in markii uu dhacay dilka lagu soo eedeeyay Maxamed Nuur maalmo kadib isla bishii July ee Sanadkii tagay ee 2017 da, uu is casilay Taliyihii Ciidamada Booliska magaalada Minneapulis kadib markii lagu eedeeyay in uu wax ka qaban waayay dhacdadaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.