Madaxweyne Gaas oo Golahiisa Wasiirada Kala hadlay sidii Puntland looga saari lahaa Al-shabaab iyo Daacish.

Garowe-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Maxamed Gaas uu shir aan caadi ahayn uu xalay isugu yeeray Golahiisa Wasiirada ee Puntland
Madaxweynaha ayaa Golaha Wasiirada ka hadlay Sidii Daacish iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab looga Saari lahaa degaanada tirsan gobalka Barri oo ay ku dhuumaaleysanayaan Kooxahaasi.

Ciidamada Amaanka Puntland ayaa lagu amray in ay Qaadan weeraro qorsheysan oo Daacish iyo Shabaab looga Saarayo Degaanada ay ka arimiyeen Maamulka Puntland oo Xiligan ay ku suganyihiin Dagaalamayaasha Daacish iyo Shabaab.

Sidoo kale waxaa kaloo la isku afgartay in Miino baaris laga bilaabo Wadada isku xirta Magaalada Boosaaso, Buuraleyda Galgala iyo Calmadow oo kawada tirsan gobalka Barri.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.