Daawo:Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland ayaa eedeyn iyo Cambaareyn dusha uga tuuray Axmed Madoobe iyo Ciidamada Kenya

deeq faandhe

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Cabdi Maxamed warsame “Deeq Faandhe” ayaa waxuu eedeyn iyo Cambaareyn dusha uga tuuray Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Ciidamada Kenya, waxuuna sheegay Musharax Madaxwaynaha Jubbaland Deeq Faandhe in Amxed Madooobe shacabka Jubbaland ku hayo xarig, dil, dhac boob,barakicin Iyo Masaaafurin iyadoo loo kala fiirinayn Culumo,dhalin yaro, waayeel, Hawween,wariye, Caruur Siyaasi Iyo xilDhibaanba.

Waxaa kaloo ku eedeeyey Deeq faandhe ku eedeeyey Axmed Madoobe dhibaato ku hayo degaanka kaas oo uu xaalufiyey deegaankii isagoo ka dhigaya Dhuxul taas oo loo baahan yahay ion laga hortago nabadguurka axmed madoobe ku hayo Jubbaland.

Dhanka kale Musharax Madaxwaynaha Jubbaland ayaa waxuu ku eedeyey ciidamada Kenya in burburiyeen isagaasiinta Ceelwaaq Iyo Dhamase taas oo uu shacabka Gedo aad uGu tiirsan yahay sida adeegsiga taleefanka Iyo isugudbinta Lacagaha waana inay mag dhow ka bixiyaan cidamada amisom gaar ahaan isgaarsiinta ay burburiyeen.

Ugu dambayntii ayuu musharaxa madaxwayanaha Jubbaland uGu baaqay Dowlada Soomaliya inay dar dar galiso lagaalanka alshabab gaar ahaan degaanada Maamul goboleedka Jubbaland isagoo intaas ku daray in shacabka Jubbaland diyaar u yihiin ladagaalanka Alshabab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.