Daawo:Golaha Wakiilada Soomaliland ayaa ka horyimid Heshiiskii Barbara

Kulan ayay Maanta golaha Wakiilada Maamulka soomaliland ku yeesheen Magaalada Hargeysa,waxana kulankaas hortegay Gudigii Soomaliland Wakiilka uga ahaa heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee Dekada Berbera.
Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliland Sacad Cali Shire oo ka socday gudiga Wakiilka uga ahaa Soomaaliland heshiiskaas ayaa xili uu Golaha ka hor Akhrinayay hehsiiskaas waxaa buuq ku furay qaar ka mid ah Golaha Wakiilada oo diidan heshiiskaas.
Xildhiban ayaa waxa ay ku doodeen in Madaxda Soomaaliland iyo Wakiiladii heshiiskas Goobjooga ka ahaa in ay cadeeyaan ama ay Golaha Wakiilada horkeenaan.

Xildhibaanka Soomaliland ayaa sheegay in Somaliland aysan heysan aqoonsi Caalami ah sidaas daraadeedna aysan awood u laheyn in Shirkad Weyn ay Malaayiin Dollar uga qaadato in ay maalgashato Dekada Barbara iyada oo aan soo marin Golaha Wakiilada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.