SAWIRRO: Dadaallada lagu badbaadinaayo doon raran oo Wali ka socda Boosaaso

Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, waxaa ka socda dadaalo kala duwan oo lagu badbaadinaayo doon u raran ganacsato Soomaaliyeed oo ku soo caarisay xeebta Magaalada Boosaaso.

Howlgalka lagu badbaadinaayo doontaasi ayaa socdo ku dhawaad todobaad.

Doontaan oo cilad ku timid, ayaa loo diiday inay  ku xirato Dakadda Magaalada Boosaaso, kadibna waxa ay ku caarisay meel ka baxsan dakadda, iyadoo biyaha badda dul sabeynaysa.

Dadaalada socda ee hantida doontaasi saaran lagu badbaadinaayo ayaa waxa ay tahay in la sameeyay Dakad macmal ah oo gaadiidka ay ugu dhawaan karaan, halka doonta ay ku sugan tahay.

Qaar ka mid ah dadka ku hawlan badbaadinta hantida saaran doonta ayaa sheegay inay rajo fiican ka qabaan badbaadinta qalabka saaran doontaasi.

Hantida saaran Doonta ayaa qiimaheeda, waxaa lagu sheegay ku dhawaad 10-Milyan oo Doolarka Mareykanka ah, waana qarash aad u badan marka la eego, haddii doontaasi ay dagto khasaaraha ka dhalan kara.

Xuquuqdda Sawirradda Yuusuf cabdi shire.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.