Akhriso Maqaal muhiima oo ku saab san qorshayaasha ay damac sanaayeen imaaraadka iyo fashilada ay la Kulmeen

Dabayaaqadii 2016-ka Ayay bilowday in Dowladda Imaaraadku ay dhaqaale badan ku bixiso in uu Soomaaliya Madaxwayne ka noqdo Siyaasi ku shaqeeya aragtidooda guracan, iyo boobka ay ku hayaan khayraadka dabiica ah ee dhulka Soomaaliya, xaraashka iyo hanti-boobka ay ku hayaan ilaha-dhaqaale ee dalka iyo dagaalka ay kula jiraan Soomaaliya in aysan ka faa’iidaysan Khayraadkeeda Bad, Birri, Iyo Cirba. Fashilkii 1aad wuxuu ku dhacay markii ay dhaqaale badan siiyeen xilliyadii Doorashadu ay socotay Sanetor Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo xilligaa ka mid ahaa Murashaxiinta iyo tillaabadii xigtay oo noqotay in ay shirar is xig-xiga  Maamullada ugu yeertay Abu Dubia.

08 – Febru – 2017 – Markii uu Madaxwaynaha Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu doorashada kaga adkaaday 21 Murasharax, dowladda Imaaraad-ka waxay aamintay in ay ku guuldaraysanayso qorshaheeda guracan ee ay Soomaaliya ka damacsantahay, bacdamaa MD Farmaajo yahay Wadani aan ka yeelaynin damacooda lagu hagar-daaminayo dalkaan soo kabashada ku jira.

March 05, 2017 – Safiirka isu taga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohamed Al Hammadi ayaa loogu yeeray in uu dib ugu soo laabto Magaalada Abu Dubai kadib markii ay Somaliland ka  dhaceen dibad baxayo looga soo horjeedo Saldhiga Milatry ee Imaaraadku rabo in uu ka furto Magaalo Xeebeedka Berbera ee maamulka Somaliland..

April 05, 2017 – Kulan ay yeesheen Baarlamaanka Soomaaliya ayaa in ka badan 20 Xildhibaan waxay mooshin ka keeneen Saldhiga Milatry ee Imaaraadku ay qorshaynayaan in ay ka furtaan Berbera, inkastoo Mooshinkaasi uusan noqon mid natiijo ay kasoo baxdo. Hase ahaatee Guddoonka Golaha ayaa xilligaas Xukuumadda Soomaaliya ka dal-baday in ay cadeeyeen Mowqifkooda ku aadan Saldhiga Barbara. Waana arrin wali sidii u taagan.

Apr 10, 2017 Iyo Sidoo kale – Nov 21, 2017 – Labo safar oo Madaxwayne Farmaajo ku tagay Dalka Imaaraadka ayaa natiijo la’aan kusoo dhammaaday. Ilo xog’ogaal ah ayaa xaqiijinaya in Madaxwayne Farmaajo ka biyo diiday Laaluush-ka, khiyaannada, iyo aragti gaabnida ay Imaaraadku rabaan in ay Dalkaan uga hor istaagaan in uu dib cagihiisa ugu istaago. Dad badan ayaa qaba sababta uu MD Faraamjo uga hadlin 2dii jeer ee uu dalkaasi booqday in ay tahay shirarkii uu madaxda dalkaasi la qaatay oo kusoo dhammaaday Is faham-waa, taasina ay sababtay in Madaxwaynuhu ka aamuso safaradaas, halka uu ka hadli jiray wadamada kale marka uu kasoo laabto natiijada waxyaabihii ay isku soo af-garteen.

Markii ay Dowladda Imaaraadka u cadaatay in aysan Hoggaanka Soomaaliya uga suurto-galaynin qorshahooda gurracan, waxay go’aansadeen in ay mugdi galiyaan Midnimada Soomaaliya. Si qorshahaas loo hirgaliyana waxay Imaaraadku xoogga saareen in ay dagaal 3 waji ah ku furaan dowladda, iyagoo adeegsanaya gacmo dad Soomaaliyeed. Qorshahaas oo iska hor-keenaya 3daan qaybood oo saldhig u ah Midnimada Soomaaliya Xilligaan, waana:

1.  Dowladda Iyo Maamul-goboleedyada

2.  Xukuumadda Iyo Baarlamaanka

3.  Dowladda Iyo Shacabka.

Si qorshahaas loo ambaqaado waxay Dowladda Imaaraadka Carabtu ay dhaqaale ku bixisay iyadoo adeegsanaysa Cumar C/rashiid in  Maamul-goboleedyadu ka hor-yimaadaan go’aankii taariikhiga ahaa ee khilaaf-ka Khaliijka ay ka qaadatay Dowladda Soomaaliya kaasi oo ahaa Soomaaliya in ay Dhex-dhexaad ka tahay Khilaaf khaliifka.

Puntland ayaa Aug 16, 2017 waraaq uu soo saaray wuxuu ku sheegay in ay taageersanyihiin maamul ahaan xulufada Sacuudigu uu hoggaaminayo. Intaas kaddib-na, Sep 18, 2017 Isla warqad la mid ah tii Puntland waxaa soo saaray Maamulka Koonfur Galbeed, Halka taariikhdu markay ahayd  Sep 20, 2017  Galmudug-na ay soo saartay warqad la mid ah tii Puntland iyo Koonfur-Galbeed.

Sept, 22, 2017 – Ayaa waxaa Dalka Imaaraadka Carabta isugu tagay Madaxda Maamul-Goboleedyada, marka laga reebo Madaxwaynaha Jubaland Axmed Madoobe, waxaana shirkaasi oo u dhaxeeyay Dowlad-Goboleedyada Iyo Imaaraadka u kala dab-qaaday Senetor Cumar C/rashiid oo ah La taliyaha Imaaraadka u qaabilsa

W/ qoray muwaadin maxamed Cali

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.