War hada Soo dhacay:Dowlada Soomaliya oo Wafti Wasiira ah u dirtay magaalada Jawhar

Wararka naga soo gaaraya Madaalada jowhar ayaa sheegaya in Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goor dhow gaaray magaalada Jowhar, iyadoo lagu wado inay kulamo la qaataan Mas’uuliyiinta Maamulka Hirshabeelle.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa, waxaa wehliya Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Waxbarshada, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal.

Madaxweynihii xilka laga qaaday Cali C/llaahi Cosoble ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay qeyb ka aheyd qorshaha xilka looga qaaday, isagoo ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha inuu bur burinayo Maamulka Hirshabeelle.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.