Madaxweynaha soomaaliya oo caddeeyey mowqifkiisa ku aadan dowladda itoobiya iyo xiriirka ka dhexeeyo labada dal.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka baaqday shir caalami ah oo Itoobiya ay qabanqaabiso sanad waliba, Shirkan oo ah kii lixaad laguna magacaabo Tana High-Level Forum on Security in Africa, waxaa looga hadlaa arrimaha ammaanka iyo horumarinta Afrika, waxaana ka qeyb gala madaxda dalal dhowr ah oo dalalka Africa ah, isuguna jira aqoonyahano iyo madaxdweynayaal hore.

Shirarkii hore waxaa ka qeyb gali jiray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana sidoo kale ka qeybgeli jiray madaxweynaha Puntland oo lagu casuumi jirey qaab aqoonyahan.
Soomaaliya ayaa dowlad ahaan sanadkan ka qeybgeli doonin shirka iyadoona madaxweyne Farmaajo uu ka baaqsadey, isla markaana aanay jirin madax kale oo ka socota xukuumadda Soomaaliya oo shirkaasi ka qeybgaleysa.

Madasha Shirka lixaad ee Tana High-Level Forum on Security in Africa, waxaa ka dhex muuqda xiligaan madaxweynaha Puntland oo xalay gaaray xarunta uu shirka ka socdo , waxaana uu khudbad cilmi ah ka jeedin doonaa Axadda maanta ah iyadoo shirka sanadkan looga hadli doono hab-maamulka Kheyraadka dabiiciga ah ee Afrika. (Natural Resource Governance in Africa).
Si kastaba ha ahaatee waxaa soo badanaayo mad-madowga soo kala dhexgalaayo dowladda soomaaliya iyo dalka itoobiya tan iyo intii la doortey madaxweynaha soomaaliya maxamed cabdullaahi maxamed ( farmaajo ).

Wariyaha Sarre Maxamed Kaasim “Waxar”

Gedotimes

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.