Yaa ka badbadin kara dhalinyarada Soomaliyeed dhibaatooyinka wajiyada badan ee haysta? W?Q Jimaacale

jim

Waxaa hubaal ah in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku habsatey dhibaatooyin dhinacyo badan leh oo ay ka mid yihiin amaandaro,shaqo la,aan,ka qaybqaadaho dagaalo aan xaq ahayn,waxbarasho la,aan iyo khilaafyo dhexmarayey dadka deegaanada ku wada nool iyo ugu denbayn xuduudo lagu kala ooday calamo koodii ka duwana loo sameeyey,dhammaan arimahaas oo dhan waxay keeneen arimahaan;-

-Inta dhalinyarada wax baratay oo wax lagu baray manhajyo kala duwan oo afkaaro kala duwan oo dhammaantood aan dan u ahayn dadka,dalka iyo Diinteena Islaamka,una adeegaya dano shisheeye,taas oo loogu talagalay maaddaama ay yihiin dhalinyaradu,xoogga dal wax u qabta,haga,middeeya iyo matoorka dhaqaajinta horumarka in lagu kala fogeeyo Muruqooda iyo maskaxdooda,

-In markii nolashii dhib ku noqotay loo adeegsado dagaalo aan xaq ahayn oo weliba looga goleeyahay in lagu baabi,iyo jiritaanka qarankooda Soomaaliyeed iyo karaamadiisa.

-In ay galaan TAHRIIB keenay dhimasho aan la qiyaasi Karin saharaha iyo badda iyo kuwo ku silicsan xabsiyada dunida daafaheeda ama xeryaha magafayaasha.

-Markii duleynta intaas la,eg labaday baa loogu daray in isku socodkooda iyo iska warqabkooda la kala xanibo ayyada oo laga horistaagayo in ay afkaar isdhaafsadan ama wada tashadaan waxaana loo sameeyey maamulo qabyaaladeysan oo calamo kala gaar ah leh,laguna magacaabay dawlado u gooniya,oo leh madaxweyne ,gole wasiiro iyo gole shacab ,taasi waa xayndaabka ugu weyn ee lagu kala xray dhalinyrada iyo shucuubtooda Soomaaliyeed ee ay hormoodka u noqon lahaayeen.

Arimaan oo dhan waa shirqoolo cadawgu u maleegay mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed,dalkood iyo dadkooda,waana sababta igu dhalisay

su,aasha aan qormadaan uga dhigay cinwaanka,aniga oo garanaaya jawaabta oo ah sidatan.

DHammaan dhalinyarada xayndaabyada qabyaaladeysan iyo calamada duleyntooda loogu tala galay ku kala hoos nool waxaan leeyahay kaca oo baraaruga,taariikhda dahabiga ah ee ka soo bilaamata waagii Axmed Gueey ilaa manta wixii ummadda hormoodka u ahaa oo ugu danbayntii xoriyada dhaliyey waxay ahaayeen dhalinyarada, intii aanaan burburina wixii difaacayey dalka waxay ahaayeen dhalinyarada,manta waxaa idiin furan kaalin dahabiya oo aad mustaqbalkiina iyo karaamada dalka ku badbaadin kartaan,marka ugu horeysa ku baraaruga in aan kala qaybsanaanta iyo calamada faraha badan dantiina iyo tan shacbigu ku jirin, diida siyaasiga idiin ku sheega wanaag ,u arka qaa,inuwadan waligiisna waa jirey,markii gumeysiga lala diriraayey rag baa kabaha u siday oo sharafta shilin ka jeclaa ,aan idin xasuusiyo arintaan(BERBERA WAX GO, LAGU QAATO KA WEYN) Erigaan ma duugoobaayo iyo kuwo kale oo ay nooga tageen jiilalkii naga horeyey,fadlan dhalinyaro manta ka taga taariikh aad xayndaabyada cadawga ku burburisaan calamada bdana laala,aniga oo aaminsan haddii arintaas dhalinyarada ka timaado in ay duwlada cusubna idin la qaadan doonto,bal eega waxaa la qaybiyey xoogeenii iyo dhaqaalihii dhalinyarada wax loogu qaban lahaa iyo horumarinta dalka haddii aan arintaas dhalinyaradu sidii saxa ahayd u soo celin waligeed dhalinyaradu silic ka biximauso.Wabilaahui Towfiiq.
W.Q/Cabdullaaahi Jimcaale Faarax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.