Dhageyso Radio Kulmiye: Barmaamijka xogwareysi oo Looga Hadlay Maamulka Jubbaland oo wada dilal qorshaynsan wariyaasha madaxa Banan

Sida aad ka warhaysaan Horey waxaa u jirey khilaaf u dhexeeyey wariyaasha madaxa banaan iyo wasaaradda Warfaafinta jubaland kaas oo yimid ka dib markii Wasiirka Warfaafinta jubaland uu dhowr jeer u gacan qaadey qaar ka mid ah wariyaasha madaxa banaan ee jubaland.

Balse hada arinta ayaa intaas ka sii weynaatey kadib markii ay soo baxdey ayna inoo xaqiijiyeen Ilo xog ogaal ah in ay wasaaradda Warfaafinta jubaland iyo hay’adda nabad sugidda jubaland oo iskaashanaayo ay diyaarinayaan in ay qaarijiyaan tiro ka mid ah wariyaasha madaxa banaan ee jubaland ee ku sugan magaalada kismaayo.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaayo in Wasiirka Warfaafinta Juabaland c/nuur cali aadan iyo gacanyarihiisa ahna Agaasimaha tv-ga jubaland c/naasir sh bashiir Saxansaxo ay qorsheynayaan in ay dilaan qaar ka mid ah wariyaasha madaxa banaan Kadibna ay doonayaan in ay dilkaas dusha ka saaraan ururka alshabaab si ay ugu raad gataan dilka ay wariyaasha u geysan rabaan.

Dhawaan abay ahayd Markii Xabsiga loo taxaabay Xildhibaan Shuceyb ibraahim Faarah oo Kamida xildhibaanada jubbaland waana Maamulkii ugu horeyey oo xildhibaan katirsan xira, waxaa kaloo shaqadii laga joojiyey taliyihii ciidmada Booliska Kismaayo Xasan Khayre markii soo bandhigay dilalka,dhaca,kufsiga,hantida dadka oo laboobe iyo dambiyo kale asagoo arintaa kajeediyeey sanaguuradii kasoo wareegetey ass aaska booliska soomaliyeed taas oo shacabka ku farxeen lakiin maamulka kismaayo u arkeen in ayaka lagu dhibaateynayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.