Faallo: Maxay Itoobiya ku dooneysaa in mar kale la doorto Xasan Sheekh?

Maxaa keenay in xukumada itoobiya Faraha la soogasho Doorashada Soomaaliya Sanadkaan 2017 iyadoo Doorashadadii Tan ka horeysa aysan sidaan usoo faragalin.

Raysal wasaarahii itoobiya Mila Zenawi, oo meeshii ugu xumayd abid gaadhay xaaladiisa Caafimaad Taas ayaa sabab u hayd in dawlada itoobiya maqnaato Doorashada waqtigaa. Iyadoo Dawlada itoobiya qas gashay intii uu jiranaa Zenawi.

Sidaa ayaa looga bad baadey in Dawlada itoobiya Faragaliso Doorashadii 2012.ee Madaxweyne xasan sheekh ku guulays tay.

musharaxa Itoobiya sanadkan ay taageereyso waa Madaxweynaha hadda xilku ka dhamaadey oo doonaya in mar kale la doorto mudane Xasan Sheekh maxamuud.

kooxda uu katirsan yahay ee Dammul Jadiid ayaa lacag badan siisay saraakiisha Tigreega ee itoobiya maamula. Waxaana isku xira oo Soomaaliya uga wakiila Ganaral Gabre.

Dad baden oo shacabka Soomaaliyeed ah ayaa waxay aamin san yihiin in Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh dib loo doorto, uu wadanka Gacanta ugalayaa koox yar oo dhaqaalaha wadanka iyo awooda dowlada isku koobta. wax dan ah aan kala lahay in wadanka laga dhiso dawlad wanaag iyo Dib u heshiin. Sameysa.

Dadka wali waxaa maskaxdooda ka guuxaysa afartii sano ee la soo dhaafay wixii dhacay ee isqab qabsi iyo in mooshin lagu dhameeyo waqtiga. Larabay in wax la qabto. Dhaqanka musuq maasuqa ku dhisan ayaa Gaaray meeshii ugu xumayd.

Haddaba waxan halkan idin soo gudbineynaa Barnaamijka Bandhiga Kalsan TV oo si weyn loogu falanqeeyey

Arrimaha Doorashada iyo waxa ay dowlada itoobiyo ku doonayso inuu madaxweyne xasan sheekh markale ku guulaysto Doorashada waxaana ka qeyb gelaya Siyaasiga ka faalooda Arrimaha Soomaaliya Maxamed Caalim.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.