Maxay kula tahay doorashada Madaxweyne Soomaliya ee 8 febaraayo? W/Q Saabir Honest

saabir

ka hor maalmo kooban oo naga xigto doorashada Madaxweyne ee dalka Somalia  waxaa jiro dhaqaale ay bixinayaan Wadamada Ethiopia  iyo Kenya  taas oo ay ku raadinayaan masaaliixda Wadamadooda iyo sidii ay u xalaashan lahaayeen dhulalka NFD iyo Kilalka Shanaad oo ay xog ku kala haystan Ethiopia iyo Kenya.

Dhaqaale xoogan ayay labada wadan si qarsoodi ah u bixinayaan si looga taqaluso shaqsiyaadka ay ka cabsi qabaan la xisaabtankooda kuwaa oo hadii ay ku soo baxaan Xilka Madaxweynaha dalka laga yaabo in ay soo laabato midnimadii somaliya sidoo kalana qaadan doono rabitaanka umada somaliyed.

Waxaa cabsi xoogan laga qabaa in ay xumaato cilaaqaadka siyaasadeed ee xiligaan u dhaxeeyo Wadamada Kenya  iyo Ethiopia  oo dhinac ah iyo somaliya taana waa mida ku qasabtay in labada wadanba ay isu kaashadaan dhaqaalaha doorashada Madaxweynaha somaliya

Wadanka Kenya  ayaa difaacanayso biyaha somaliya ee ay muranka galisay iyo sidoo kale dhulka ay u baxsatay #Waqooyi_bari_kenya balse somalidu u taqaano NFD halka dowlada Ethiopia  ay difaacaneyso dhulka balaaran ee ay u baxsatay #ismaamulka_somalida_ethiopia balse somalidu u taqaano Kilalka Shanaad waxana ay labada wadan dhafoorada la haystan cida ku guleysan doonta xilka madaxweynaha dalka Somalia .

Waxa jiro wadamo carbeed oo ka agdhow Kenya  iyo Ethiopia  sida Egypt  Iyo Emirat Arab  waxana labadani wadan ay ku howlan yihiin sidii uu madaxweyne u noqon lahaa shaqsi u fududeyn karo danaha ay ka lee yihiin dalka somaliya sida aad la socotan Dowlada Emiratka waxay faraha Kula jirtaa awooda Meletariga somaliya iyadoona ku bixiso dhaqaale aad u badan si somaliya ay ugu laabato dhibaatadii ay ka soo gudubtay waxana Emiratku  uu ku howlan yahay kala fogaanshaha umada somaliyed Bilowgii sanadkii tagey ee 2016ka Dowlada Emiratka waxay gaadiid dagaal oo aad u tira badan ugu deeqeen dhamaan dowladgoboleedyada dalka taas oo ayna wax wada tashi ah kala yeelan dowladii xiligaasi jirtay ee somaliya oo uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheikh Maxamuud.

Dowlada Egypt  ayaa fiirsanayso ilaalinta masaaliixda ganacsigeeda iyadoo ka cabsi qabto hadii uu xilka qabto shaqsiga sida wayn loo taageersan yahay in dhaqaalaha beeraha Wabiga shabeele uu ku Imaan doono hoos u dhac dhankeeda ah taana ay sababi karto in dalka somaliya uu gaaro isku filnaasho uu kaga kaaftoomo cuntooyinka kaga yimaado dibada sidaasi darteed dani uguma jirto Dowlada Egypt  Doorashada shaqsigaasi.

Isku soo wada Duub dalka somaliya waxa uu ku jiraa xalada kala guru ah waxana shacabka somaliyed ay indhaha la raacayaan shaqsiga hanan doono Xilka Madaxtinimada dalka iyadoo doorashadu ay ka dhiman tahay 11 bari oo kaliya……
W/Q Saabir Honest

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.