Maqaal: Maxay yihiin Astaamaha Muujinaya Guusha Musharax Farmaajo? W/Q Cali Somali.

cali

Olalaha Doorashada ee Soomaaliya ayaa heer gabogabo ah maraya, waxaana Casimadda Muqdisho kusoo qulqulayay waayadii dambe Musharixiin u hanqaltaagaya Qabashada xilka dalka ugu saeeya ee ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Hadaba anigoo dhinacyo badan oo kala duwan ka eegi doona ayaan Faaladaan aan ugu Magacdaray “ Farmaajo Wuu Guuleysan karaa” waxaana kaga hadi doono sababaha guusha u horseedi kara oo qaarkood ay saansaantooda Muuqato, iyo Caqabadaha laga gudbi kara ee ilaa iyo hadda soo wajahay.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ahaa Raisal Wasaare Dalka soo maray hayayne Xilkaas Muddo kayar Lix bilood ayaa soo bandhigay Waxqabad muuqda oo lataaban Karo, kuwaas oo ay ugu muhiimsaneyd Waxkaqabashada Amniga guud ee Dalka iyo gaar ahaan kan Muqdisho, Bixinta Mushaaraadka Ciidamada iyo Shaqaalaha Rayidka oo hortii aysan jirin cid masuul ah oo bixisay, Sameynta Miisaaniyad Sanadeed Dhaqaale oo lagu kala wado shaqooyinka Hay’adaha Dowliga ah, Laxisaabtan Xukuumadeed iyo Daadajinta Nidaamka Dowliga ah iyo Sidoo kaleBilaabidda Kulamo dib u heshiisiineed oo beelaha Soomaaliyeed lagu dhex-dhexadinaayo.

Hadaba iyadoo waxqabadyadaas uu soo bandhigay Musharax farmaajo Mudaduu ahaa Raisal Wasaare Dowlad Kumeel gaar ah ayaa aniga iyo inta igu fikirka ahba waxaan isleenahay Mudane Farmaajo wuxuu ku guuleysan karaa qodobada Soosocda.

Wuxuu ku guuleysan karaa Mudane Farmaajo.

1, Fursad Dhaqaale oo ka duwan tii uu xilka Madaxweyne Ku raadinayay Sanadkii 2012-kii doorashadii dalka dhacday, ayaa la hadal hayaa inuu haysto Musharax Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxayna Fursadaas sahli kartaa in Codadka Xildhibaanada Qaarkood uu ku iibsado, halka la sheegayo in Xildhibaano Cusub oo dhalinyaro u badan uu ka qeybqaatay soosaaristooda kuwaas oo uu iyagune ku xisaabtamaayo Codkooda, waxayna xildhibaanadaas kasoo baxeen inta badan Maamul Goboleedyada Dalka.

2, Gorgortan Siyaasadeed oo beelo awood leh uu kula galay inuu siinaayo Xilka Raisal Wasaaraha Halka Musharixiin uu kamid Yahay Sharmaake ay Beelo aan Awood badan ku laheyn Caasimadda Muqdisho uu kula galay gorgortan inuu u magacaabi Doono Raisal Wasaaraha Dalka.

3, Isbadalka Siyaasadda ee Caalamka oo ka duwan tii hore isbadalkaas oo laga yaabo inuu kamid yahay dadka Gorgortanka lagula galay Beesha Caalamka  Musharax Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Hadaba iyadoo Qodobadaas aan soo sheegay  aan is oran karo wuu ku mudan Karaa xilka dalka ugu sareeya hadane lama dhayalsan Karo Caqabado laga gudbi karo oo  Musharax Farmaajo soo wajihi kara. Waxaana kamid ah.

1, Mowqifkiisa Siyaasadeed ayaa ah mid Cad Mudane Farmaajo, balse ma ahan mid saameyn doonta Sababtoo ah Donal Trumpka Mareykanka Madaxweynihiisa loo doortayba ma saameyn Afkaartiisii cadcadeyd ee uu olalaha Doroashada ku galay, waana sababta aan u iri saameyn badan kuma yeelaneyso Mushrax Farmaajo, Walow Farqiga u dhaxeeya Doorashada Soomaaliya io tan Mareykanka uu yahay mid ku saleynsan Doorasho shacab iyo mid baarlamaan, hadane waa Caqabad laga gudbi karo.

2, Qaar kamid ah Beelaha Daarood ee uu Farmaajo ka soo jeedo oo u sharaxan kursiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, hadeey taasi dhacdane waxay saameyn ku yeelaneysa Olalaha uu ugu jiro Xilka Madaxweynenimo, arinta Kalsoonida weyn lagu qabo ayaase ah in Beesha Digil iyo Mirifle uusan soo dhaafi Doonin Kursiga gudoonka Golaha Shacabka, waxaana iskudayga ay hadda wadaan qaar kamid ah beelaha Daarood uu lamid yahay kii uu horay usameeyey Madaxweynaha Khaatumo Prof Cali Khaliif Galeyr oo horay u tijaabiyay in uu noqon karo Gudomiyaha Baarlamaanka hase ahaatee aysan u suuragalin.

Marka aan Halkaas kaga gudbo Caqabadaa, waxay sheegeysaa Saadaasha ilaa iyo hadda in Musharaxan aan ka hadlay ee Farmaajo uu kamid yahay Shakhsiyaadka ugu cadcad ee Xilkaas aadka loogu saadaalinaayo, waxayna Saadaashii ugu dambeysay ee lasameeyey ay sheegeysaa in Madaxweynaha hadda Xilka haya ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raisal Wasaare Cumar Cabdirashiid ay xilkaas ugu cadcadyihiin Farmaajane uu yahay qofka sadexaad ee Fursadda ugu haboon helaya Bacdama labada kale ee Musharax ay yihiin rag dadka aan ka gadmi Karin, horayna loo tijaabiyay Hogaamintooda.

Sikastaba waxaan guul iyo Nasiib wacan ugu rajeynayaa Musharax Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo aan aad ugu hanweynahay in uu ku guuleysan karo Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, oo lagu wado bilowga Sanadka Cusub in ay Doroashadiisa Qabsoonto.

W/Q: Cali Soomali

Calisomali400@gmail.com

Muqdisho, Soomaaliya.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.