Maqaal:Gacanta Muuqato Waxay Ka Turjumeesaa Guumaystaha Qarsoon By Yuusuf Cumar Maxamed .

Waxaa Lagu Jiraa Maalmihii Lakala Dooran Lahaa Afar Sano Oo Barwaaqo Sooran Ah iyo Afar Sano Oo Abaar Ah, Balse Haddii Xaqiiqda Aan Taabto : “Gacanta Muuqato Waxay Ka Turjumeesaa Guumaysataha Qarsoon ” .

Soomaaliya Oo Hodan Ku ah Kheyraad Dabiici Ah iyo Hawo Saafi ah Ayaa Waxaa Ku Loolamayo Dowlado Qalaad Oo isugu Jira Kuwo Gobalka Ku Yaalo Sida Ethopia , Kenya , iyo Kuwo Asia iyo Europe Ka Socdo .
Waxaa Muuqato Musharixiinta U Tartamaya Hogaanka Dalka in Ay Ka Socdaan Dalalka Aan Kor Ku Xusay Ee Doonaya Dalka in Ay Dib dhac Ku ridaan , Si Soomaaliya Ay U Ahaato Afarta Sano Ee Soo Socoto Dal U Hogaansan Siyaasad Laga Hagayo Dalka Dibadiisa iyo Dano Gaar Ah Oo Uu Doonayo Shisheeyaha .

Waxaa Haboon Oo Aan Ku Boogaadinayaa Xubnaha Cusub Ee Labada Aqal _ Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose _ Ee Mudanayaasha Baarlamaanka in Ay Hormariyaan Danaha Dalka iyo Dadka Somaliyeed Oo Aysan Marnaba Aysan Garab Siin Mid Ka socdo Dal Shisheeye .

Hanaanka Cusub Ee Lagusoo Xulay Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa Ah Mid Aan La Saadaalin Karin Cidda Ay U Codeen Doonaan iyo Xizbiga Kusoo Bixi Doono Hogaanka Dalka Somaliya , inkastoo Wali Aan La Meel Marin Nidaamka Xizbi In Lagu Tartamo Hadana Waxaa Muuqato in Xizbiyo Ay Ka Socdaan Musharixiinta Hadda Muuqata in Ay U sharaxan Yihiin Hogaanka Dalka .

Waxaa Kusoo Af Meerayaa Hadalkayga Yaysan I Qaadin Xamaasadda Waa in Aan Dib U celino Caqliga Oo Aan U daneeno Dalkaan Soomaliya Ee La Daala Dhacayo Abaaraha iyo Colaadda Sokeeye .

QORE : Yuusuf Cumar Maxamed .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.