Galmudug iyo musuqmaasuqa ka jira doorashooyinka W/Q Ustaadka Umada

Asc:- Subax wanaagsan arooryo suuban (5oomaali) oodhan idil ahaan tiin idin salaamay.

“Doorashada Dadbanni Waa Musuqmaasuq Sharciyaysan”..

” Saakay hawshii waxaan ku guda jirnaa Doorashada Dadban mashruucii qorshaha meel marinta Doorashada Dadban “..

” Waa maxay aqristoow mashruuca Doorashada Dadban, yaase curiyay, maxaase loo curiyay? “..

” Doorashada Dadbanni waa habka ugu musuqmaasuqsan ee lagu meel marin karo xatooyada kuraasta aqalka hoose ee deegaanada ayada oo loo marayo hab qaawan oo dhac ah “…

“Maadama sidda dastuurka dalku qabo ay Madaxweynaha dooran karaan 185 Xildhibbaan, Mashruuca Doorashada Dadbanni waa in ay Villa-5omalia heshaa oo ay hubisaa tirada Kooramka 100 Xildhibbaan oo la hubiyay innay u codaynayaan oo dooranayaan Madaxweynaha si loo gato inta dhiman ayada oo laga duulayo in la xakameeyo qarashkii badnaa ee bixi lahaa “…

” Mashruucaan waxaa curiyay oo wada xisbiga Madaxweynaha lagu xanto ee Damjadiid, waxaanna tijaabadiisii koowaad laga wadaa magaallada Cadaado ee xarunta ku meel gaarka u ah maamulka Galmudug “..

” Siyaasadda dahsoon ee Mashruucaan Doorashada Dadbanni, waa in odayaasha ka midka ah 135-tii oday ee soo xulay Xildhibbaanada laga boobo awoodoodii odaynimo, arrintaan oo ay siyaasiyiinta iyo odayaashuba la socdaan ujeedka laga lee yahay oo ah in laga xanaajiyo kadibna ay iska tagaan si loo doorto odayaal soo xula Kooramka 100 Xildhibbaan ee ay Damjadiid Dagaalka adag ugu jirto innay ku hesho si xoogaysan “….

” Aqriste ayada oo taas ay ka amba qaadayaan waxaa mushaarkii hotel-lada iyo biilkiiba laga jartay odayaadhii, waxaanna ka jartay maamulka Galmudug, si odayaashu u xanaaqaan oo uga tagaan magaallada Cadaado, arrintaas oon aad looga fiirsan oo keenni karta ceeb iyo fashil dhanka Siyaasadda ah iyo innuu burburo dhamaan maamulka Galmudug, oo hadda kaliya ka shaqeeya saddex degmo oon wada maamulin deegaanada hoos yimaada, waxayse xisaabtaas ka qaldeen innay odayadu haystaan lacag ay isaga bixiyaan hotel-lada ayna joogayaan halkaas oo aysan meelna uga socon waxaysan saxiixinna aan cid awood u leh oo gudbin kartaa jirin “…..

” Aqriste ujeedkan ayaa ah helida Xildhibbaano gaaraya Kooramka 100 Xildhibbaan ah, si loo iibiyo 85-87 Xildhibbaano ah, si loo doorto Madaxweynaha inta aan lasoo xarayn inta hartay Xildhibbaanada golaha shacabka, Siyaasadda ay hadda ku hawlan yihiin xisbiga Madaxweynuhu waa taas Aqriste ayada oo ay si qaawan xubno kamidi kuwa doorashooyinka maamulka Galmudug ay isku dayayaan innay u humbaaleeyaan odayaasha dhaqanka arrintaan oo ay odayaashu aad ugu qoslayaan qaribnaan tooda iyo xirfad gaabnida gudiga uu samaystay maamulka Galmudug”….

“Arrintaan oo hadda socotay mudo dhowr beri ah kanna socota magaallada Cadaado, ayaa siyaasiyiinta deegaanada Galmudug marka laga reebo kuwa Guriceel oo maamulku ka baqayo innay dagaal uga jawaabaan Arrintaan weerar ah siddii ujeedkii kal hore ee qabsashadii Godinlabe oo kale, intii kale ayaa cabasho ka muujinayaan weerarka qaawan ee lagu hayo ergooyinkooda iyo odayadooda, arrintaas oo hadda laga gudbiyay dacwaddo ku saabsan arrintaas, ayada oo ay dacwaddahaasi yaallaan xaafiisyada Madaxweynaha, Raysal Wasaaraha, Gudoomiyaha Baarlaanka iyo dhamaan gudiyadda doorashooyinka, Qaramada Midoobay, kuwa Europe, kuwa IGAD iyo cid kastoo ay quseeyso hanaanka caddaaladda doorashooyinka Qaranku”…

” Gunnaanadkii maamulka Puntland oo asagu kaliya ah maamulka ka xorta ah faragalinta musuqmaasuqaan Qaran ayaa ka biyo diidan in la qabto doorashooyinka aqalka hoose inta uu socdo Dagaalka Gaalkacyo oo ay aaminsan yihiin innay dowladda 5oomaaliya tahay ayadu midda hurinaysa colaadaha ka alloosan magaallada Gaalkacyo “.

Fg:- Waxaan aqristoow qoraallo iyo codad muuqaalaba si joogta ah uga hadli doonaa maalin kasta xirfad xumida gudi hoosaadyada Galmudug iyo musuqmaasuqa doorashooyinka Dadban, annaga oo idinla wadaaggi doona xoggo hufan iyo waliba qaabka la isku haysto, jifooyinka iyo shaqsiyaadka ku hawlan arrimahaan kor ku xusan.

” Fadlan aqristoow haddii ay dhacdo lacala innaad arragtidaada qofeed ka dhiibato qormadaan Fadlan ha noqoto mid hufan, adiga oo dhowraya anshaxa qormada iyo sariigta qofeed.

Mahadsanidiin,

Ustaadka Ummadda.

………………. DHAMAAD……………..

1 Comment

Leave a Reply to kali Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.