Mudaharaad ka dhan ah Xasan Sheekh iyo arga gixisada Maamulka Cadaado oo maanta ka dhacay Garowe “Masawiro”

Boqolaal Qof oo ka careysan colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo oo ay ku eedeynayaan Xasan shiiq,Damjadiid iyo argagixisada maamulka Caadado ayaa maanta ka dhacay fagaaraha barxadda oo ay caanka ku tahay magaalada Garowe .

Banaanbaxayaasha ayaa dab qabadsiiyay masawirkaXasan Sheekh Maxamuud, waxayna ku qeylinayeen Ereyo lid ku ah Xasan Sheekh kuwaas oo aanu ka xusi karno “ Dooni mayno dagaal ooge, Dooni mayno Qabyaaliiste, dooni mayno arga gixisada Caadaado iyo Ereyo kale oo ay dadku ku muujinayaan dareenkooda”.

Banaanbaxayaasha saaka isugu soo baxay fagaaraha barxadda Garowe ayaa baaq ugu diray guud ahaanba ummadda reer Puntland , Kaas oo ku aadan u istaagida difaaca Puntland , waxayna soo hadal qaadeen qabsashadii shalay kooxdii sheegatay inay ka tirsan yihiin Ururka Argagixisada ah ee DAACISH Degmada Qandala oo ka tirsan Gobolka Bari inkastoo ay isaga baxeen markii danbe.
bananbaxpuntland-1

bananbaxpuntland-7

bananbaxpuntland-6

bananbaxpuntland-5

bananbaxpuntland-4

bananbaxpuntland-3

bananbaxpuntland-2

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.