Baaq: Siyaasiga Maxamed Xuseen Dhageey oo Baaq u diray Ugaaska Guud ee Beesha Sade. “Akhriso”

dhey

Xilli ay isa soo tareyso hadal haynta la xiriirta in Beesha Sade dusha laga saaray soo xulista sadex gabdhood oo Baarlamaaka soosocda kamid noqda ayaa waxaa isa soo taraya Qeyla dhaanta iyo baaqyada ka imaanaya Xubnaha aqoonyahanka iyo qurba joogta ee Beesha Sade.

Dr Maxamed Xuseen Dhageey oo kamid ah aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta Beesha Sade ee Dalka Dibadiisa ku dhaqan, ayaa baaq toos ah waxa uu hawada u soo mariyay Ugaaska Beesha Sade iyo waxgaradka ku xeeran ee kahoos shaqeeya.

Mr Dhageey ayaa hadalkiisa ku bilaabay” Ugaas waxaa nasoo aaraya warar sheegaya in Beesha Sade layiri Sadex gabdhood ayaa laga rabaa 14 Xildhibaan kamid noqda, Ugaas maxamed arintaas waa mid aan waafaqsaneyn shareecada Islaamka ee an markii horaba kuugu caana shubanaya inaad tahay nin diinta islaamka siweyn u yaqaana”

Hadaan kuu faafaahiyo sababta aan uga hor imaadsanahay aniga iyo inta ugu aragtida ahne waa ( Mida Koowaad oo arin aan sharciga Islaamka waafaqsaneyn, qodobka labaadne hadee ma ahan in aan gabdhaheenafasahaad u horkacno oo wuxuusan alle raali ka aheyn madaxa u galino iyo mida sadexaad oo ah kuraasta hadda 14ka ah hadii sadex gabdhood lagu daro waxay noqonayaan 12.5 arintaas oo matalaadii hore wax weyn kabadaleysa) Ugaas Meesha rag wax ka keeni waayeen Dumar kama keenayaane arintaas kajooga, hana qaadanina.

Aqoonyaham iyo Siyaasi Maxamed Xuseen dhageey ayaa ugu dambeyn Ugaaska iyo waxgaradka la shaqeynayaba ugu baaqay in taladaas laqaato taasi oo uu ku sheegay mid lagu liibaani doono Hadii alle idmo, wuxuuse walaac ka muujiyay xog uu helaayo oo sheegeysa in dhaqanka ugaaska ka hoos shaqeeya qaarkood ay doonayaan in ay gabdho kuraasta qaar ku qoraan, taasi oo uu uugaas Maxamed Ugaas Xaashi kula dardaarmayo in uu fiiro gooniyaad u yeesho kana dhiidhiyo in aysan dhicin arimahaasi.

Sikastaba Siyaasiga Maxamed Xuseen Dhageey oo kaliya kuma koobna ka dhiidhinta arinkani, balse dhaqanka uu baaqa u diraayo qudhooda ayaa dhawaan Bayaan ay soo saareen kaga horyimid arinkaasi.

Maxamed Xuseen Dhageey

Nairobi, Kenya.

3 Comments

  1. waa talo muhiim ah oo u baahan in la qaato aadbaadna umahadsantahay
    siyaasi / aqoonyahan mohamed hussein dhagey waxaana kula talineynaa aqoonyahanada ka soo jeeda gobalka in ay xoojiyaan fikirkaas
    by: Ahmed aadan hilowle

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.