Fahan Xumo Ayaa Ka dhex Oogan Labadii Meel isugu Timaado , Maxay Tahay Sababtu ? W/Q YUSUF OMER MOHAMED

Fahan Xumo Ayaa Ka dhex Oogan Labadii Meel isugu Timaado , Maxay Tahay Sababtu ? Wax Xal Ah Maloo Helayaa Doodda ? .
Suaalahaas iyo Kuwo Lamid Ah Ayaa Ka Qoray Sheeko Gaaban .

SHeekadu Sidaan Ayay U Taalaa : [ Maalin Ayaa waxaa Muran Dheer Uu dhexmaray Labo Ruux , Mid Ayaa waxa Uu Leeyahay Gacanta Midig Shan Farood Ayay Leedahay , Halka Midka Kale Uu Diiday in Gacanta Midig Faro Leedahay .

Dood Dheer Kadib Waxaa Ay isla Gaareen in Ay U Tagaan Garyaqaan .
Garyaqaanku Aad Ayuu U Caqli Badnaa , Markiiba Libinta Ma Uusan Siin Midka Yiri Gacanta Midig Ayaa Shan Farood Leh , Balse Waxaa Uu Libinta Siiyay Midka Yiri Gacanta Midig Wax Faro Ah Maleh .

Midkii Yiri Gacanta Midig Shan Farood Ayay Leedahay Ayaa Wareeray Oo Waxa Uu Ku Raali Noqday Hadalka Garsoorka isagoo Yaaban Ayuu Waxa Uu Ka Codsaday Garsoorka in Uu Fahamsiiyo Micnaha Ay Ka dhiganyihiin Faraha Ku Yaalo Gacantiisa Midig ? .! .

Garsoorka Wuxuu Ku Jawaabay : Waad Qaldantahay Marka Aad Tiri Gacanta Midig Ayaa Shan Farood Leh , Maxaa Yeelay Ma Aad Hubsan Gacanta Midig Ee Ku Taalo Ninka Aad La Doodayso ..

Ninkii Markuu Arkayba Ninka Uu La Doodayay Waxaa Uu Noqday Nin Gacantiisa Midig Aan Kulahayn wax Far Ah ].

Sheekadaan Gaaban Waxaad Ka Fahmaysaa Sababaha Keenayo Fahan Xumada in Ay Tahay Labo Qodob Oo Muhiim Ah :

1 _ Hubsiimo La,aan Haysato Midka Doodda Ku saxan .

2 _ Aqoon Yari Haysato Midka Doodda Looga itaal Roonyahay .

QORE : YUSUF OMER MOHAMED

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.