Musharax Shiikh Shariif Sh.Axmed Ma lagu aamini karaa Qaranka Soomaaliya?

jim

Su,aashaan ayaan madaxayga iska weydiiyey marar badan markii aan maqlay in madaxwenihii hore ee Soomaaliya uu musharax yahay oo uu doonaayo in uu marsaddexaad tartan ugalo hoggaanka Soomaaliya,ayyada oo markii ugu horeysay si xeeladaysan oo gacmo shisheeye ka danbeeyeen uu tartamay sidaasna uu ku qabsaday hoggaanka Dalka..La saadaalin meyn laakiin way noqotay,waayo maxaakiimtii oo dadka Soomaaliyeed kalsooni badan ka haystay asaguna hoggaamiye ka noqday buu si sahlan dhabarka uga jabiyey asaga oo u sabab ahaa in laga adkaado Maxaakiimtii ,markii uu jabiyeyna u galay qoladii uu u adeegayey ,kuna abaalmariyey in loo dhiibo hoggaanka Dalka Soomaaliya,Haddaba markii aan rogrogay su,aasha sare waxaa ii soo baxday in aan lagu aamini Karin Madaxweyne in uu ka noqdo qaranka Soomaaliya mar kale sababahaan awgood;-
1-Sh.Shariif Sh Axmed sidii uu saaxiibadiis uu hoggaaminaayey ee maxaakiimtii u jabiyey,uguna balanfuray asaga oo shisheeye gacansaar la lahaa markii uu jabiyeyna ka baxsaday oo abaalmarintii loo balanqaaday raadsaday kuna noqday madaxweynaha Soomaaliya,waxaan ka baran karnaa in uusan lahayn balan iyo amaanodhawr ,sidaas awgeed laguma aamini karo karaamada ummadda Soomaaliyeed, Isbahaysiga mucaaradka Soomaalida ee isbedel doonka ah waxaan uga digayaa in uusan ku dhexmilmin,si aan sumacadoodu u lumin.
2-Heshiiskii 2009 ee lagu sheegay isafgarad ee Keenya ku sheegatay badayada waxaa ka mas,uul ah asaga iyo resulwasarahiisii markaas ,waana tan ilaa maanta badayada muranka gelisay,aadna loo rumeysan yahay in lagu bedeshay dana gaar ah,waa kiis mudan inta saamaynta ku leh in maxkamad la soo taago,laguna eedeeyo qaa,inuwadaniyiin,bal in ay doorasho iyo madaxnimo u hanqaltaagaan daaye.
3-Maamulkii Sh.Shariif nooga tegay waxaan ka dhaxalnay maamulxumon iyo musuqmaasuq aan xad lahayn,sida darajo aan ciidankeedii lahayn oo layska bixiyey,janaraalo iyo kornaylo iyo xatooyada oo ilaa hadda caadi noqota,waxaana intaas sii dheerayd magacaabis degmooyin tira badan oo xaddhaaf ah,dhibaatana dhaliyey tegidiisii ka dib.
Isku soo wada duubo Soomaalida Dhulkeedii iyo badeedii la gatay , balanfuryada iyo amaana ku xadgudubka intaas la,eg ninka galay ee maanta sharaftiina iyo karaamadiina igu aamina oo Madaxweyne iga dhigta la soo shirtagay ma ka siisan karnaa muxuuse naga gadi karaa saas baan u naqaanaaye(.Maxaa loo yiri fulay xantiisa ma mooga)sow sh.shariif uma eka nin aan iska warqabin,mase dadka Soomaaliyeed baa xisaabtii ka dhuntay iyo aqligiiba oo loo arkay kuwo wax kasta u nugul oo la marsiin karo??Jimc

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.