Qaska naloo sharciyey (anarchic) ! BY C/laahi Jimcaale

jim

Qaska naloo sharciyey (anarchic) !
Maanta taarikhdu tahay 05/07/2016 ayaan dhawr bog oo kuwa wararka qoraa isha mariyey,waxaa ii soo baxay muuqaal an ila qurxoonayn ee xaalada siyaasadeed ee dalkeena,waxay ila noqotay in wadada naloo jeexay tahay qas (anarchic) oo macneheedu yahay sharcila,aan(lawless),bal ila arka arintaan;-
-madaxweyne Xasan Sheekh oo ummadda Soomaalida ugu hambalyey munaasabada Ciida,maxaabiisna cafiyey.
-Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan oo ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaaasabada Ciida maxaabiisna cafiyey.
-madaxweyne Cabdikariin Xussen Guuleed oo ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyey munaasibada ciida maxaabiisna cafiyey.
-Madaxweyne C/wali Cali Gaas oo ummadda soomaaliyeed ugu hambalyey munaasiba Ciida maxaabiisna cafiyey.
-Gudoomiyaha G/shabbeelaha dhexe oo ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyey munaasabada Ciida maxaabiisna cafiyey.
Shanta nin oo midkood sheegtay gudoomiye gobol ma isku darajaa?
Jawwabta aan tayda raacsadee waa haah waayo awood iyo darajo siman bay adeegsadeen,idinkase akhristayaal maxay idinla tahay?maxkamadaha qaranka oo dhan matala iyo kuwa gobolada masku awood baa? Anniga xagayga waa haah,laakiin akhristayaal idinka waxay idinla tahay? Waxaa ii soo baxday ummaddaan qabiilka isku haysata oo gobolada wada degan shanta nin ee siman ee ninba reerkooda awooda ku haysto in uu qoys matalo inta kale ee ku hoos nool ee gobolka la degtaana ku dhexdulaysan yihiin.
Shanta dawladood oo aan kor ku soo xusay oo shanta madaxweyne ee isku awooda ah leh maysku dawlad baa?Anniga jawaabtaydu waa maya,laakiin akhristayaal idinka maxay idinla tahay?
Ugu danbeyntii Soomaaliyee waa been faderaalka naloo sheegay, waayo adduunyada federaalka ku dhaqanta jaantaa rogon maaha,qas iyo sharcila,aan maaha ee xuduud bay kala leeyihiin,hadaynaan isdaqaban annagu manaan samaysan federal mana noqon karno ,sabab aan federal ku noqonana meesha mataal,miyeysan idin la muuqan in kuwa inoo sameeyey federaalka qabyaaladeysan ku talagaleen in dawlado qabaa,il ku salaysan noo kala jarjaraan, qaran danbe ee Soomaaliyeed oo sharaf iyo awood lehna aan la arag ,waligeena cadawgeenu cagta hoosteda nagu hayn doono? Jawaabta Soomaali aan u daayo iyo waliba kuwa sharciyada bartay ee wax ka yaqaan in ay arintaan wax ka dhahaan.
W/q Cabdullaahi Jimcaale Faarax,

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.