DAAWO: Xafiiska Ururka Dhalinyarada ee Degmada Baardheere oo si rasmi ah Loo Daahfurey.

Dhawaan waxaa si rasmi ah degmada Baardheere loogu daahfuray xafiis uu yeesho ururka dhalinyarada ee ka dhisan degmadatan baardheere.

Qalabeynta oo in muddo ah Ku socotay xafiiska kadib iyo dadaal lixaad leh oo ay u galeen hogaanka ururkaasi furitaanka xafiiska ayey Ku guuleysteen in ay daahfuraan xafiiska uu ururka Ku shaqeyn lahaa.

Munaasabada oo lagu daahfurayay xafiiska waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baardheere Mudane Cabdulaahi Nuur Xasan Cadow iyo Madaxa Arimaha Bulshada ee Maamulka Baardheere mudane Xuseen Cabdulaahi Xalane.

Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada ee Degmada Mudane Cali Dubad Axmed oo Ka hadlay Daahfurka Xafiiska ayaa ka sheekeeyey waxqabadka Ururka iyo Mudada uu shaqeynayay.

Ururka in muddo ah ayuu jiraa waxaa LA aasaasay 01/07/2015kii ilaa xiligaasne ururka waxyaabo badan ayuu ka qabtay arimaha bulshada ee Degmada, kulamo isboortis oo lagu dhiiragalinayay Isdhexgalka Bulshada ayaan qabay, olole Nadaafadeed oo Degmada lagaa sameeyeyne waan ka qeyb qaadanay, hadane qorshe hawleedyo badan ayaa Sanadkaan Ku hanweynahay fulintooda” ayuu Yiri Gudoomiye Cali Dubad Axmed oo ah Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada ee Degmada Baardheere.

Cali Dubad ayaa dhanka kale hoosta ka xariiqay in uu Ku faraxsanahay in xafiis rasmi ah oo uu ururku Ku shaqeeyo laga hirgaliyo gudaha degmada isagoo sheegay in ay fududeyn karto shaqada Ururka Furitaanka Xafiiska.

Gaba-gabadiine Masuuliyiintii Kulanka ka qeyb gashay ayaa dhinacooda baraarujiyay shaqada ay hayaan Ururka Dhalinyarada ee Degmada, iyagoo balanqaaday in ay wadashaqeyn buuxda LA yeelanayaan Ururka Dhalinyarada ee Degmada Baardheere.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA DAAHFURKA XAFIISKA.

ss

ss00

ss1

ss2

ss3

ss4

ss5

ss6

ss7

ss8

ss9

ss22

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.