Daawo: Degmada Baledxaawo ee Gobolka Gedo oo ay kusoo badanayaan Dhismayaasha Casriga ah.

Magaalada baledxaawo ee gobolka gedo waxay dhacdaa waqooyiga gobolka, waxayna xad wadaag latahay dalalka itoobiya iyo Kenya gaar ahaan degmooyinka suufka iyo mandheera.

Magaalada inkastoo ay soo martay dagaalo sokeeye oo badan hadane dib usoo kajashadeeda ayaa ah mid xawli ku socda.

Dhismayaal casri ah oo nakhshadahooda dibada lagala yimaado ayaa degmada kusoo badanaya, waxaana marka aad ku dhex tamashleyso jidadka degmada ay had iyo jeer indhahaagu qabanayaan dhismayaal cusub oo maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaya.

Inkastoo ay akhristayaasha Gedo Times kusoo maqanyihiin warbixino kale oo dhinacyo kala duwan aan ku eegi doono hadane waxaan jecleysanay in aan dhinaca hormarka diirada saarno.

Kasokow dhimayaasha gaarka loo leeyahay waxaa iyana dhismayaal degmada kawado kambaniyo maalgashi, shirkadda isgaarsiinta hormuud telecom ayaa baledxaawo ka dhisaneysa dabaq dhowr biyaano ah oo ay ugu talagashay bangi ahaan ineey u isticmaasho.

Warbixino taxane ah oo baledxaawo laxiriira isha ku hay xiliyada soo aadan insha Allah.

b/xaawo

b/xawo

baladxaawo

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.