Wariye Pakistan u dhashay oo la toogtay

Khurram Zaki oo ahaa dhaqdhaqaaqe xuquuqda aadanaha iyo wariye laga yaqaan Pakistan, ayaa lagu toogtay Karachi.

Boolisku waxay sheegeen in Zaki uu ku casheynayay maqaayad ku taal wadada dhinaceeda ee waqooyiga magaalada markii rag hubeysan oo watay labo mooto ay xabado ku fureen. Labo ruux oo kale, ayaa si daran ugu dhaawacmay. Ma cadda cidda ka dambeysay weerarka.

Khurram Zaki wuxuu ahaa tifaftiraha bog lagu magacaabo “Aynu dhisno Pakistan” kaasi oo wax ka sheega dagaalada kooxeysiga, isagoo dhiirogeliya dimuqraadiyadda iyo mabaadi’da cilmaaniga.

Ololahiisa ugu dambeeyay ayuu kaga horjeeday kuwa uu ku eedeeyay inay ka kicinayaan naceyb iyo dagaal looga horjeedo Muslimiinta Shiicada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.