TOP News: Wariye mahad Xasan Diini oo isu sharaxay Xilka Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ. (Fadlan u Codee)

Xilli maalinta barito ah lagu wado in Doorashada Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ay ka dhaceyso Magaalada Mqudisho, ayaa waxaa Xilkaas ku baratamaya Musharixiin farabadan, oo Dhamaantood Qudareynaya Hanashada Xilka Gudoomiyenimo ee NUSOJ.

Suxufuiyiinta ilaa iyo hadda Xilkaas qabashadiisa Ugu Cadcad waxaa Kamid ah Wariyihii hore ee BBC-da Mqudisho uga warami jiray ee Maxamed Ibraahim Macalimuu, iyo Wakiil Wareedka TVga Universal ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud Suxufi Mahad Xasan Diini.

Iyadoo labadaasi Musharax ay yihiin labada Musharax ee Ugu Cadcad, ayey Gedo Times Akhristayaasheeda la wadaageysa Aqoon Kooban oo ay u leedahay Suxufiga Rugcadaaga ah ee Mahad Xasan Diini.

Mahad waa Suxufi Rugcadaa ah oo Mihnadda Saxaafadda in Muddo ah kusoo dhexjiray, wuxuu kasoo shaqeeyey, Idaacado iyo Muuqaal Baahiyayaal kala duwan, isagooo tan iyo Sanadkii  2000 ku dhexjiray Mihnadda Saxaafadda ee Sooomaaliya.

Wuxuu kusoo shaqeeyey Duruufo Adag oo  kala duwan, Xilli Colaadeed, Xilli Mushaaraad Shaqo oo Warfidiyeenada Ku filan uusan haysan iyo xilli maamulo iyo Uruuro kala duwan ay isku eryanayeen Garoomada siyaasadda ee Soomaaliya.

Hadda waa Agaasimaha Idaacadda Voice Of Soomaaliya (VOS) oo ka hawlgasha Deegaano badan oo ka tirsan Galmudug iyo Jubbaland, Sidoo kale waa Wakiilka TV-ga Universal ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Waa Suxufi Dagan, Dulqaad badan, garab Qabta Cidkasta oo mihanadda Saxaafadeed Jecel in ay kusoo birito, Sidoo kale waa qof ka sokow arimaha Siyaasadaha ee Soomaaliya hadane soo tabiya arimaha Bulshada sida Dhibaatooyinka haysta Dadka taagta daran.

Mahad ayaa hadda ku hanweyn qabashada Xilka Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ oo Bari lagu wado Doorashadiisa in ay Muqdisho ka Dhacdo.

Wariye Ma dooneysaa in codkaaga aad bari u baxsato Fadlan u Codee Rugcadaaga Saxaafadeed ee Mahad Xasan Diini, ka Gedo Times ahaan waxaan Bogaadineynaa Musharaxnimada Wariye Mahad Xasan Diini, Waxaan u rajeyneynaa in uu ku guuleysto Xilka Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

2 Comments

Leave a Reply to diiriye sheikh abdullahi Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.