Jeneraal Indha Cadde oo sheegay inaysan waxba ka bedelayn dagaalka ka socda Somalia ciidamada UK..

Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga Dowladii KMG aheyd Jeneraal Yuusuf Indha Cadde, ayaa wuxuu ka hadlay ciidamada ka socda Dowladda UK ee soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Inkastoo Muqdisho ay yimaadeen ciidan gaaraya 10 Askari oo ka socda UK, hadana qorshaha wuxuu yahay in ciidamo kale oo 70 ah ay soo gaaraan Magalada Muqdisho, kuwaasi oo ka imaanaya iyagana Boqortooyada Ingiriiska.

Jeneraal Indha Cadde, ayaa wuxuu sheegay ciidamada inaysan waxba ka bedeleyn dagaalka socda gudaha dalka Somaliya ee Shabaab lagula jiro.

“Sida aan arkayo ama aad maqasheen ciidan 70 ama 80 qof ah waa saacidaad aad u yar in ay meelaha taakuleynta iyo la talinta inay joogaan mooyee wax badan kama bedalayaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, dowladda Ingiriiska ayaaba sheegtay in ciidankaan aanay ahayn kuwo howlgalaya.”Ayuu yiri Jeneraal Indha Cadde oo la hadlay Idaacada Goobjoog.

Waxa kale uu sheegay dagaal xilligaan ka socda Somaliya iyo Marxalada uu maraayo inay muhiim tahay ciidamada Somalida inay muujiyaan doorkooda oo Shabaabka ay uga daba tagaan Tuulooyinka.

“Nimankaan Amisom waa Ajaaniib dalka ma yaqaanaan, marka waxaan isleeyahay magaalooyinkii waa ay ka saareen Al-shabaab, in ciidamada Soomaaliya la tayeeyo oo duurka uga dabagalaan nimankaan lana caawiyo ciidamada Soomaaliya ayaa isleeyahay Al-shabaab waa looga adkaan karaa, waxaan isleeyahay Amisom inta duurka gasho kama adkaan karto Al-shabaab” ayuu yiri Indha Cadde.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.