Odayaasha Galmudug oo ka hadlay dagaalka Dacdheer

Hoggaanka odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo dib u heshiisiinta beelo walaalo ah oo ku dagaallamaya deegaanno ku dhow deegaanka Dacdheer ee ku yaalla xuduudda dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ay wadagaan.

Afhayeenka odayaasha dhaqanka Galmudug Nabadoon Yaasiin Maxamed Gaani ayaa sheegay in Itoobiya ay kaalin weyn ku leedahay dagaallada ka soo cusboonaaday xuduudda uu gobalka Galgaduud la wadaago Itoobiya.

Wuxuu sheegay in uu cambaareynayo dowladda Itoobiya oo uu ku eedeeyay inay raali ka noqotay dilalka iyo tacadiyada ka dhan ah maatada ku nool deegaannada Dacdheer iyo Kaxandhaale, isagoo soo hadal qaaday in arrintani uu maamulka Puntland lug ku leeyahay qudhiisa.

Nabadoon Yaasiin Maxamed Gaani ayaa sheegay inuu ku baaqayo nabad labada dhinac isla markaana si degdeg ah loogu howlgalo in loo joojiyo colaaddani

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.