Aftidii gobalka Dafur oo la soo bandhigay

Guddiga doorashada ee dalka Sudan waxa ay sheegayaan in 97 boqolkiib dadka reer Daarfuur ay u codeeyeen inay hanaanka hadda ka siimid ahaadaan.

Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib afti laga qaaday Daarfuur.

Dadka ayaa waxa ay kala duuranayeen inay sagaalka gobol ee hadda ay yihiin ay sii ahaadaan ama inay la isku daro ooh al gobol la isugu geeyo.

Laakiin xisbiyada mucaaradka ayaa qaadacay doorashada, waxayna doonayaan madaxbanaani.

Aftida waxa ay qeyb ka ahayd heshiiska nabadda ee lagu dhameynaayo colaadda 30ka sano ka socota Daarfuur.

Qiyaastii 300 kun oo qof ayaa ku dhimatay, malaayiin qofna way ka barakeceen qalalaasaha.

Ka hor inta codeynta aysan bilaaban, madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir waxa uu sheegay in codeynta ay tahay mid xor iyo xalaal ah.

Al-Bashiir waxaa doondooneysa maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada oo ku eedeysay inuu xadhudub ka geystay Daarfuur.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.