Madaxweynaha Doorashada sannadkan dhacaysa waxay cashar  shacabku ka baranayaan dimoqraadiyadda”.

 

Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya 47 kadib ay dhacayso doorasho, tallaabadaasina ay dhiirigelineyso dib u soo kabashada siyaasadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay Machadka Arrimaha Amniga ee Mareykanka (United States Institute of Peace) ee magaalada Washington, halkaas oo uu khudbad ku saabsan arrimaha Soomaaliya ugu jeediyay in ka badan 400 oo qof oo isugu jira aqoonyahanno, saraakiil iyo dadweyne kale intaba.

“Dib u soo kabashada Soomaaliya waxaa door weyn ka qaatey ciidammada aanu walaalaha nahay ee Midowga Afrika (AMISOM). Taageerada ay inoo fidiyeen ayaana inaga caawineysa inaan sannadkan doorashooyin qabano. Doorashadan ma ahan mid toos ah, balse waxay cashar u tahay bulshadeena inay wax ka bartaan dimoqraadiyadda, maadaama intoed badan aanay weligood arkin doorasho. Horay waxaa xulasho u sameyn jirey odayaasha dhaqanka oo gaaraya 135, haatanse tiro dad ah oo cayiman ayaa wax dooran doonta’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa uu intaa ku darey in hawlaha ugu muhiimsan ee hadda horyaalla dowladdu  ay yihiin hirgelinta iyo dhameystirka nidaamka federaalka, in dalka la gaarsiiyo dimoqraadiyad dhameystiran iyo dib u eegis lagu sameynayo dastuurka dalka, bisha soo socotana shirweyne arrimaha dastuurka la xiriira uu ka furmi doono magaalada Garowe.

Dhanka amniga waxaa uu sheegay in Al Shabaab oo ah cadowga koowaad ee Soomaaliya si weyn loo wiiqay, haatanna loo baahan yahay in la xoojiyo awoodda iyo tayada ciidammada Soomaaliya si ay hawsha ugala wareegaan ciidammada AMISOM, oo uu sheegay inay wax badan dalka u qabteen.

“AMISOM ku dhowaad 10 sanno ayay waddankeena joogtaa, weligoodna ma sii joogayaan waddanka. Waxaa la joogaa waqtigii aan diyaarin lahayn istaraatiijiyaddii AMISOM ay ku soo afjari lahayd hawlgalkeeda Soomaaliya, loona diyaarin lahaa in ciidankeena ay waajibaadkaasi si buuxda ula wareegaan. Dhanka kalena waxaan dalka u diyaarinay markii ugu horeysay barnaamij la xiriira siyaasadda amniga qaranka oo dowladda dhexe iyo maamullada ay wada dersayaan’’.

Mar uu ka hadlayey xiriirka dalalka gobolka, waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay inuu jiro fikir ku saabsan xoojinta iskaashiga wax wadaqabsi ee gobolka, gaar ahaan in la sameeyo suuq cusub oo dhaqaale oo ay yeeshaan Soomaaliya, Ethiopia, Sudan iyo Djibouti.

—————————DHAMMAAD———————-

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.