Madaxweynaha Soomaaliya oo dalbadey in la qaado xayiraada hubka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga warbixiay xaaladda siyaasadda , amniga iyo arrimaha kale ee dhinaca horumarka ee Soomaaliya ka socda. Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku soo qaatey cunno qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya waxaana uu dalbadey in la qaado xayiraadaas taas oo uu sheegay in ay caqabad ku tahay dhismaaha ciidanka Soomaaliya.

“…Waxaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsanayaa in Soomaaliya gebi ahaanba laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran si aan u xoojino awoodda ciidankeena, argagixisadana looga sifeeyo Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika…” ayuu yiri.

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka dalbadey Golaha Ammaanka in dib u eegis lagu sameeyo awoodda iyo hawlaha Guddiga Kormeerka Qaramada Midoobay ee (Monitoring Group), kaas oo qaabilsan Soomaaliya iyo Eritrea, maadaama xilligii la sameeyay guddigaasi iyo xaaladda iminka ka jirta Soomaaliya ay kala duwan yihiin.

Muddooyinkii danbe Dowladda Federaalka ayaa abaabuleysey mudaaharaadyo, kulamo iyo qoraalo looga soo horjeedo Monitoring Group ee Soomaaliya iyo Ereteeriya, kuwaas oo dhawaan liis ay soo saareen ay ku jireen qaar ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.