Labo qof ayaa nolosha lagu gubay wadanka Zambia, kadib rabasho halkaa ka dhacay

 

Labo qof ayaa maanta oo Isniin ah lagu gubay nolosha magaalada Lusaka ee caasimadda dalka Zambia sida lagu sheegay warbixin ay shaaciyeen booliska.

Rabshadaha ayaa billowday kadib markii warar been abuur ah ay soo baxeen kuwaasoo qeexaya in Rwanda dadka u dhashay ay ka dambeeyeen dilalkii dhaqanka ee dhowaanahan ka dhacay magaalada.

Booliska ayaa iska diiday inay sheegaan dhalashada dadka la dilay iyagoo ku tilmaamay inaysan rumeysnayn wararka xanta ah.

In ka badan 250 qof ayaa la xirxiray kadib markii in ka badan 60 dadka Rwanda dukaamo ay lahaayeen la bililiqeystay labadii maalmood ee rabashada ka socdeen Zambia.

Lix qof oo kale ayaa la dilay illaa bishii la soo dhaafay kuwaasoo qeybo kamid ah jirkooda laga la baxay.

Zambia ayaa kow iyo toban ku ah wadamada ku yaalla dhinaca koonfureed ee Afrika waxaana daris la ah wadamo ay kamid yihiin ZimbabweTanzaniaBotswanaNamibia, Malawi.wuxuu wadankaasi caan ku yahay duurjoogta kala duwan.

BY: Maxamed Cabdullaahi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.