DEGDEG: Ciidamada Puntland oo Boosaaso ka wada howlgallo xooggan

Ciidamada  Ilaalada Kantaroolka Magaalada Boosaaso ayaa ky guulaysteen qabashada dhalooyin ay ka buuxeen waxyaabaha maanka dooriya.

Taliyaha  Ilaalada Kantaroolka Magaalada Boosaaso Bare Maxamed Jaamac  ayaa sheegay in ciidamada markii ay heleen xogta arintaas  ay bilaabeen  howlgal ay ku baadi goobayeen ugu danbeyna ay ku guulaysteen.

Taliyaha waxa uu sheegay in  gacanta ay  ku hayaan ragii waday qamriga isla markaana cadaalada ay wajihi doonaan dadkan   gacanta ay  ku hayaan.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay ka hortagayaan wax kasta oo maandooriye ah.

Sidoo kale meel u dhaxaysa Dangaronyo iyo Garoowe ee gobalka Nugaal ayaa laga soo sheegayaa in lagu qabtay mandooriye halkaasi baabuur lagu siday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.