Shirka doorashada 2016 oo maanta ka furmaya Muqdisho iyo madaxda ka qeyb galaysa

Maanta oo axad ah ayaa lagu wadaa in uu magaaladani uu ka furmo shirka madasha wadatashiga qaran ee High Level Partnership Forum kaas oo ay ka qabgalayaan xubno ka socda DF, Beesha Caalamka , iyo Hogaamiyayaasha Maamulada Dalka .
Dhaqdhaqaaq ku aadan shirkan ayaa laga dareemayaa xarunta madaxtooyadda qaranka halkaas oo xalay ka socdeen kulamo ay qaadanayeen hogaamiyayaasha maamul goboleedyadda ee muqdisho soo gaaray iyo madaxda kuwaas oo diiradda lagu saaray shirka iyo ahmiyadiisa .
Waxaa saaka xiran Laamiga hormara Madaxtooyadda iyo Hotelka lagu madlanyahay in shirku u ka furmo ,waxaana la arkayaa ciidamo boliis ah oo celinaya gawaaridda biielka iyo kuwa gaarka ah marka laga reebo baaburta ay la socdaan gaarhayayaashu.
warar hoose oo soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in shirku uu yahay maanta mid aad u adag , oo madaxdu ay isla garanayaan nuuca doorashadda dalka ka dhici doonta .
4-5 oo ay ku kala aragti duwan yihiin hogaamiyayasha Maamuladda dalka qaarkood ayaanan ahayn dood sahlan .
Waxaa goobjoog ahaan doona madaxda dowaldda federaalka , iyo kuwa beesha caalamka xaalkuna lama garanayo waxa uu ku idlaan doono .
Waxaa jiray warar sheegaya in shirkan la qorshaynayay inuu ka qabsoomo magaaldda kismaayo hayeeshe ay ku gacan seertay Jubaland .

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.