SAWIRRO: Hoggaamiye Madoobe iyo wafdi ballaaran oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiiro & Xildhibaano ka kala tirsan labada gole ee Dowladda Dhexe Somaliya.

Wafdigan, ayaa waxaa intaasi ka dib loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Somaliya, oo ay ku sugan yihiin Madaxda Dowladda Dhexe.

Madaxweynaha Jubbaland oo u waramay Warbaahinta, ayaa sheegay in isaga iyo wafdigiisuba ay Magaalada Muqdisho u yimaadeen, sidii ay kaga qaybgeli lahaayen Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Madaxweynaha, ayaa tilmaamay in shirkan looga hadlaayo doorashooyinka sanadkan lagu wado inay ka qabsoomaan dalka, wuxuuna shirku daba socdaa sida uu sheegay shirar horay kaga dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka wadanka.

Shirkan, ayaa waxaa maalinta berrito ah lagu wadaa in si rasmi ihi uu kaga furmo Xarunta Somaliya, waxaana lagu wadaa inay ka qaybgalaan Madaxda Dowladda Somaliya, Maamul Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

1460227682bd202

1460227669de638

146022767657261

1460227681568f0

1460227679547b9

1460227677185cc

146022767487fe2

14602276672d43b

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.