Labo Wiil oo wada dhashay kana tirsanaa Daacish oo lagu dilay Syria

Sida lagu qoray maanta wargeyska Daily Mail ee kasoo baxa dalka Ingiriiska labo muwaadin oo Soomaali ah oo ka tirsanaa kooxda Daacish ayaa ku geeriyooday dagaal ka dhacay gudaha dalka Syria.

Wargayska oo soo xiganayay ehelada muwaadiniintaan ayaa qoray in labada muwaadin lagu dilay dagaal ka dhacay magaalo gudaha Syria ku taala.

Magacyada labada muwaadin waxaa lagu sheegay C/raxmaan Shariif oo 18 sanno jir ah iyo Khaliif Shariif oo 21 sanno jir ah ayaa ku biiray kooxda Daacish bishii November sanadkii 2014 markaaso ay ka tageen magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska.

Waalidiinta muwaadiniintaan ayaa u sheegay warbaahinta Ingiriiska qaarkood in gudaha Syria ay ka heleen xogta ku saabsan in wiilashooda geeriyoodeen.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in meydka labada muwaadin midkood la helay halka kan kalana la waayay.

Hooyadda muwaadintiintaan Soomaalid ah ee Syria ku geeriyooday oo magaceeda Faadumo magaceeda lagu sheegay ayaa u sheegtay wargayska Daily Mail in koox Daacish ka tirsan u sheegeen in wiilasheeda dhawr cisho ka hor ku geeriyoodeen dagaal Syria ka dhacay.

Haweeney u hadashay waaxda arrimaha dibbadda Ingiriiska oo wax laga weydiiyay aririntaan waxay ku gaabsatay inay xaqiijin willi wadaan.

Soomaali aan tiro yareyn oo badankood ka yimid wadamo Yurub ku yaala ayaa ayaa ku jira dagaalamayaasha kooxda Daacish ee xoogooda ka aas aasan wadamada Ciraaq iyo Syria.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.