AMISOM oo soo bandhigtay Magacyada Saraakiil Shabaab ah oo la dilay

War kasoo baxay taliska ciidamada midawga Africa ee Soomaaliya jooga oo magacooda AMISOM la yiraahdo ayaa waxay ku shaaciyeen magacyo saraakiil ka tirsan Xarakadda Al-Shabab oo ay ku dileen gobolka Sh/hoose.
Warkaan waxaa lagu sheegay in shaqsiyaadka la dilay ay ka mid yihiin Aadan Baalle oo lagu sheegay inuu ahaa taliyihii Al-Shabab ee Leego, Sh, Max’ed Cali oo ahaa taliyihii labaad ee dagaalamayaasha Al-Shabab ee degaanka Janaale, Max’ed Carbibayo oo asna lagu sheegay qaadigii Al-Shabab ee Janaale nin lagu sheegay inuu ahaa qabiir farsameeya waxyaabaha qarxa oo Yemen u dhashay magaciisana la yiraahdo Islam iyo qof kale oo Kenyan ah oo la oran jiray Sh, Mansuur ahaa madaxa tababarada l-Shabab.
Magacyadaan lagu qoray warka Al-Shabab kasoo baxay waxaa kasoo dhex muuqday Xasan Cali Dhoore oo Maraykanku dhawaan sheegtay inuu duqeyn ku dilay iyo C/naasir Budqube oo asna todobaadkaan AMISOM sheegeen inay duqeyn ku dileen.
AMISOM waxay sheegtay inay gobolka ka wado howlgal gaar ah oo amaanka gobolka lagu sugayo.
Warkaan laguma soo hadal qaadin khasaaraha dhanka AMISOM gaaray.
Xarakadda Al-Shabab willi kama aysan hadlin warkaan AMISOM kasoo baxay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.