MAQAAL: GUURKA MUSAAFURKA. W/Q: Maxamed Ibraahim……

maqa

Qormadii hore waxaan kaga hadalay  guurka loo yaqaano Qudbosirada waxa aan maantna ka hadli doonaa guurka  ay sameeyaan inta badan raga Qurbaha ka yimaado.

Guurka muhiimad weyn ayuu ugu fadhiyaa bini aadamka waxa uuna kamidyahay amuuraha waaweyn ee shareecada islaamka ku qotonto ee la yiraahdo shanta arimood ee lagama maarmaanka ah  shareecada islaamka utimid inay ilaaliso , maxaa yeelay  guurku wuxuu sabab u yahay iska dhaxlida nolosha aduunka jiilba kanxiga.

Hadaba guurka ay sameeyaan raga musaafurka ah ee ka soo qulqulayo qurbaha  ma yahay kii loo baahnaa?   dhibaato intee le eg ayuu leeyahy?

Musaafur: Musaafur  waxaa la yiraahdaa qof jidkujoog ah oo soo gaaro meel uusan daganayn inuu dagana aan ku tala jirin goortii ay dantiisa u dhamaatana diyaar u ah inuu gurigiisii ku laabto.

Wuxuu wataa boorso ay ugu jirto  sahaydii uu cuni lahaa iyo dharkii uu xiranlahaa inta uu joogo,  hadaba shareecada islaamka qofkaas oo kale waxa ay siisaa axkaam gaar a ah oo ay tahay inuu kudhaqmo inteeda badana waxa ay ku tusinaysaa inuu yahay qofkaas qof nugul  oo indha mirigle ah una baahan caawimaad  alle xagii iyo  dadka uu u yimid labadaba.

Waxaana kamid ah:  Cibaadada  qaar in laga khafiifiyo sida Salaada, iyo dhamaan sunooyinkii uu samayn jiray markii uu muqiimka ahaa,   halka   qaar kalana  dibloogu dhigo sida: soonka wuxuuna soo qalaynayaa markii uu xaaladaan kabaxo oo deegaankiisii ku laabto.

Qofka musaafurka ah  wuxuu kamid yahay sideeda sinfi (nooc) ee Allaah qur,aankiisa kariimka ah uuku sheegay inla siiyo Sakada,  maxaa yeelay  lama joogo   maalkiisii  mana joogo deegaankiisii wuxuu la xukun yahay dadka gacanta ubaahan.

Hadaba qof kaas oo kale mahaboontahay mise suurto galaysaa  in ay dhexmarto cilaaqo guur isaga iyo qof deegaan ah oo aan  diyaar u ahayn inuu raaco oo kula Noolaado meeshii uuka yimid.  waliba calaaqadaas labada qof dhexmarayso waa mida ugu dhow ee dhexmarto bini aadamka

Labada qof ee wadaago guur wuxuu Allaah ku magacaabay:  Zawjeyn (pairs) oo macnaheedu yahay laba aan kala maarmi karin oo hadii mid la waayo kan kale macno beelayo sida labada iskaalsho, maqaska labadiisa lugood iwm.   waa dad saaxiib dhinaca isku hayo ah oo dhar isu ah sida Allaah qur,aankiisa kariimka ah ku sifeeyey.

Qofmusaafur ah inuu gabar arooso oo si wanaagsan u dhaqdo sidii ay meel ugu wada noolaan lahaayeena kahwlgalo mushkilad maahan laakiin tan aanu kahadlayo hada ee mushkilada ah waa mid bulshadeena dhibweyn ku hayso  iyadoo waliba dhibku sii kala culusyahay:

midka koobaad:  guur run ahba ma doonayo ee wuu soo xagaa baxay inta uu joogo ayuu rabaa gabar uu la tunto,  goorta waqtigiisa fasaxa ah u dhamadana wuu laabanayaa kadibna sidii uu cudrdaar ugu heli lahaa furideeda ayuu ka shaqaynayaa.

kaaga darane xaasidnimadiisa maguursanayo  gabar horay u badatay hadii laga tagana aan gocosho danbe aan lahayn ee wuxuu rabaa gabar yar oo biloow ah, waliba gabar birimo ah wuxuu leeyahy gabar qurxan oo  wadaad ah  qur,aanka tqaano ayaan rabaa.

midka labaad:   diyaar uma ahan inuu gabadha la noolaado, inuu geeyo meesha uu ku nool yahayna ma doonayo  oo seed ku qabi?  markaan dhawrsano maqnaadaba  labo bilood ayaan u imaanayaa.

waxaa  lawada ogyahay  sidiisaba qofka bini aadamka ah waqtiga uu noolaanayo waa wax aad u kooban, waqtiga dhalinyaranimada ee aduunku macnaha leeyahayna waqtigaa kooban ayay qaybkatahay.

Marka ay imaado gabar iyo guur iyo dhalmana waa waqtigaa kooban   oo aan dib loo dhigi karin gabadhii hadii 10sano oo sanadkiiba labo bilood lala joogo macanaheedu waa 10kiisano ee ay xirnayd halsano oo wax dhiman ayaa la qabay,  haye markii laguursanayey 20jir ayay ahayd 2sano wayku xirayd oo marna Nairobi tag ayuu kulahaa waa imaanayaa  marna Adis aad. waa u yimid wuuna aroosay labo bilood kadibna wuuka tagay.

10sano  waalaga maqnaa ama laba canug hadhasho ama  mid haka dilmee gabadhaa maxaa u haray oo waqti ah?.

 

Dhibaatada ka dhalato guurka kadib: marka koobaad gabadhii waxaa lagu aroosay Hoteel kiro ah, qaali ah oo kutala galku yahay in la joogo habeeno tirsan, ama aqal tobal ah oo cidkale dhigatay.    waqtiyar kadib hawlo ayaa iga kala daadsanaa iyo diyaargaroow ayuu galayaa.   gabadhii xagay qaban: dharkeeda ayay boorsada ku guran.

waxaa laga yaabaa inay maalin uga danbayso meeshii lagu aroosay oo aad moodo meel laga qaxay oo col uu galay xaga welwel qalbi-tabashada ah ee ka guuxayo gabadha maadaamaa iyadu guurku dhab kayahay.

maxaa yeelay baahida lamaanaha ay isu qabaan oo dhinacyo badan taabanayo kuma dhamaan karo bilo iyo sanado ee waa mid ilal-abad ah inay kala dhintaan ama safar soo noqosho dhaw ah maahane. uga danbayntaa ay gabadhu meesha ku haraysana waa qalbijab biloowgii.      oo toloow dhul iyo cir xagay biirin  gabadhii la aroosay ee masuuliyadeedii lagala wareegay waalidkii dhalay  ee ninka yeelatay waatan iyadoo soo noqotay.

Gabadha waalidkeed kusoo noqoto ayaa ayaankaa leh(waxoogaa harigtimo iyo dhaawacba ha wadatee)  balse waxaa jiro kuwo aan waalidkood la joogin oo meelo  fogfog laga keenay ninkeedii loo keenayna  meesha loogu keenay madagana oo maalmo gaaban kadib ayuu uga tagayaa dhibka halkaa ka imaankaro bal adba.

Gabadhii  mudo gaaban kadib lafur:  Ninkii waaka tagay gabadhii uu guursaday oo xagee aaday? deegaankiisii uu kayimid awalba socotuu ahaaye.  oo goormuu soo noqon doonaa? markii ay dantiisa tusto. oo hadee awalba guurka caynkaa ah inuusan soconayn waala ogaaye maxay kudooratay ninkaan musaafurka ah?,  Maxaa loo siiyey? Wuu i dhoofinayaa ,  aabo iyo hooyo lacag fara badan oo biil ah ayuu usoo dirayaa, waa nin ladnaan ay ka muuqato oo smart-ah Dhalaalayoyo, oo ka korqurxan nimanka carada joogo,   isbixinkaro haduu xaalku xumaado  iwm.

hadii lakala maqnaa waxoogaa: ileen dad isku deegaan ah oo isxal og baahi joogta ah ay ka dhaxayso maahane waa la iloobay jacaylkii gabadha,  xiriirkiina waa yaraaday,  Telka ma qabanayo marar badan, kadibna biilkii waa soo daahay, hadana lacagtii biilka way yaraatay,  hadal iyo buuqkadibna telka ka qaban waayey,  walaaloow meherna kaama rabee madaxayga iyo waaku furay.

Gabdhaha noocaan ah inta badan waa gabdho qurqurxan oo la soo maray, waa gabdho  tarbiyo wanaagsan leh oo waalidkood galiyey qarash iyo waqti oo aan lamid ahayn gabdhaha kale.

dhalinyarada   wadanka joogo ee naaga doonka ah marka ay saaxiibadood kala sheekaysanayaan  arimaha guurka uu damacsan yahay ee uukawaramo gabadha uu rabo nooca ay tahay   waxaa  loogu jawaabaa: kuwaa lama hayo ragii dibada ayaa la tagay laakiin   iska sug mid dibada laga soo furay oo qurxan ayaad heliye qiimo ahaana yara jaban.

Marka horeba inkaar iyo il ayay farqaha ku wadatay:  gabadhaan waxaa loo diiday ama ay iyadu diiday wiil gayaankeeda oo la dagan lana joogayo har iyo habayn oo labo ama sadex boqol oo doolar intuu alyoomkiisa bilaha ah shaqaysto caruur ka dhalayo  hadii Allaah u kaso, midkaan musaafurka ah  caruurna kama  dhalimaayo  baylahna waa uga tagay,  labo boqolna waa usoo diraa……

 

Mid kaloo kadaran: waxay ahayd gabar dhawrsoon oo guirigooda maahane aan waligeed daris uwareegin nin dibada jiro ayaa soo doonay  waala siiyey waxaa loogu geeyey magaalo weyn  oo aysan waligeed arkin.

waxay aragtay gabdho iyo wiilal ree magaal ah  taleefano waawayn wato oo ka sheekaynayo waxaysan waligeed maqlin.     hadii ay raacday oo ay ku dayatayna meeshii ma joogo gacaliyaheedii baylah iyo baahiba tiri lahaa,  lamana joogto hooyo macaan iyo aabo gacaliye   wanaageedii u ilaaliyo oo usheego   kuwaan inay yihiin dad xun  in lagu daydana aysan mudnayn,   oo maxaa ku xigo. Qaraabadii ninkeeda  oo la hadasho ninkii  una sheegto inaysan meeshaan ujoogin naag noqotayna islawareegto.

Dhacdooyinka xanuunka badan ee gabdhaha kala kulmaan guurka noocaan ah lama soo koobi karo anigu waxaan  goobjoog ka ahaa:  nin deegaankaanu ku dhaqanahy noogu yimid  sadex safar oo kiiba sanad u dhexeeyo sanad kaste ee uuna   soo booqdo  guursado gabar markii uu caradiisa ku noqdana furo,  marka safarka xiga uu soo galayana gabar lagu meheriyo iyada oo diyaar ahna  u yimaado sidaana ku furay sadex gabdhood  waana usii wadi lahayne isagaa ku daalay oo yiri gabar fiica mahaysaan.

midkalana inta gabar la siiyey laba todobaad kadib gurigooda u diray iyada oo uunan furin tu kale dalbaday oo yiri tanaa tii hore kamacaan.

dadka qurbaha ka yimaado ee gabdhaha guursado mawada ahan sifahan aan wanaagsanayn ee aanu ka sheekaynayno waxaa jiro dad kooban oo ikhyaar ah guur rasmi ah doonayo markii ay guursadaana diyaar u ah inay gabadha la tagaan ama ay ladagaan halka ay gabadhu kusnooshahay.

 

Mushkilada ragaan kaliya eeda mawada lahan:  waalidka iyo gabdhaha  laftigooda waxbay ku leeyihiin bal si fiican u fiiriya dhacdadan danbe Tusaale: wiil iyo gabar deegaan ah ayaa is guursaday  arooskii ayaa dhacay  todobaad kadib wuxuu gabadha ku yiri: orod oo cidiinii aad oo maxaa jira oon u aadayaa?  maya wax maqal oo aad.

buuq iyo dagaal kadib  gabadhii markii ay qiimayso xaalka waxay gurigoodii ku aadaysaa dagaal iyo ninkaan dhaqan diyaar uma ahan.

waalidkii gabadha waxay ku qasban yihiin in ay la xiriiraan ninka iyo ehelkiisa  bal si ay u ogaadaan waxa is badalay.     iyadoo xaalku sidaa yahay  bal waqti kale hala gaaree suurto gal matahay in maalmahaas gabarkale inta ninkaa yeesho inuu ku arooso aqalkii gabadha hore loo dhigay ,  oo miyuu heleyaa sidaa degdega ah gabar ku aqbasho iyo waalid ku waafaqo?.waa maya jawaabtu, waxaase iswaydiinleh  midka hore maxaa looga yeelay?.

Ugu danbayn:  ragaan soo gabdhaha lama dhalan maxay sidaan ugu galayaan arimo fara badan oo isbiirsaday ayaa ugu wacan sida: 1-bay ada ay ka yimaadeen oo ay kala kulmeen arxan la aan iyo cuqdad qiimaynta bini aadamkana ay ku liidato gaar ahaan muslimiint. 2-Gabdhaha ree galbeedka iyo sida sahlan ee dayaca ah ragooda u galayaan. 3- waa qof socota ah oo aan dadka dan iyo dal midna la wadaagin  waxbadan oo uu xeerinayan aysan jirin. 4- waalidka iyo gabdhaha  ragaan waxku darsanayo oo aan xog  ogaal u ahayn qofka la xididayo nooca uu yahay. 5- Dibad jacayl iyo dalkeenii oo aan rajo degaan aysan kasoo muuqan amiinkiisana la isku halaynkarin.

 

W/Q: Maxamed Ibraahim.

Garbahaareey Soomaaliya.

maxamed-ibrahim@hotmail.com.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.