TOP : faafaahino Dheeri ah oo kasoo baxaya Qaraxii Saaka ka dhacay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baledweyne.

qarax

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax culus oo goordhaw ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ee Xaruunta gobalka Hiiraan.

Qaraxa ayaa la saaray gaari nooca ay Soomaalida utaqaan Hoomeyda waxaana uu ka dhacay afaafka hore ee Garoonka Ugaas khaliifa, inta la xaqiijiyayna qasaaraha waxaa dhaawac uu soo gaaray hal qof.

Qaraxa ayaa dhacay xili Baaritaan lagu sameeynayay dad iyo gaadiid galayay gudaha garoonka hasa ahaatee markii dadka laga soo dajiyay gaariga hoomeyda ah uu qaraxa dhacay waxaana markiiba ciidanka DF iyo kuwa Jabuuti ay bilaabeyn baaritaan ku saabsan qaraxaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.